Isticmaalka Hubka iyo Toogashada oo Dagaal yahanada Al-shabaab u Tababareen Rag Odayaal ah.

0
613

Xarrakada Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay ku soo bandhigeen tiro Odayaal ah oo ay u tababareen dagaalka iyo habka wax loo toogto.

Odayaashan ayaa lagu soo bandhigay fagaaraha Macalin Aadan ee Magaalada Jilib, waxaana ay ku tartamayaan Toogashada ama Shiishka iyaga oo wata qoriga AK-47.

Odayaashan oo da’dooda ay kala duwan tahay ayaa waxaa ay muddo tababar ku qaadanayeen magaalada Jilib, waxaana loo tababarayay toogashada.

Sawirro Al-shabaab ay oo dhiggeen Bogagga Internet-ka ayaa muujinayay Odayaal badan oo tartanka toogashada ka qayb qaadanaya, kuwaasi oo da’dooda ay kala duwan tahay.

Al-shabaab ayaa horay u tababaray, dhalinyaro, caruur iyo haween, haddana waxaana uu tababarkani noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay odayaashu ka qeybqaataan.

Magaalooyinka Al-shabaab ay ka maamulaan gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku yaalla xeryo kala duwan oo Al-shabaab ay ku tababaraan dad afkaartooda raacsan.

warsom2o11@gmail.com