Dowladda Jarmalka oo ayaa shaacisay in gabi ahaanba ay soo afjareyso howlgaladii tababarada ciidamada Soomaaliya ee midowga Yurub oo ay qeyb ka ahaayeen.
Jarmalka ayaa ka mid ahaa qorshe midawga Yurub uu ku tababaro ciidamada xoogga dalka, iyaga oo ku soo biiray mashruucan sanadkii 2010-kii xilligaa oo dowladda Soomaaliya ey...
Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in ay jirto diyaarad nuuca xamuulka qaadda ah, oo ku dhacday duleedka degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo ah Gudoomiye Ku xigeenka dhinaca maaliyadda ee maamulka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay heleen xogta ku saabsan diyaaradan, gelinkii dambe ee...
Gudoomiyaha gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaciil Ibraahim ayaa shir jraa'id ka sheegtay in la qabanayo doorashada saddexda Kursi ee ka bannaan Golaha Shacabka.
Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay ka dalbanayaan beelaha leh saddexda kursi ee baarlamaanka Soomaaliya ka bannaan in ay keensadaan dadkii u...
Ardeyda dhiggata fasalka Shanaad ee dalka Shiinaha ayaa la yaabay su’aal xisaab ah oo soo dhaxgashay Imtixaan la soo hordhigay , taasoo iskaba daa in laga jawaabo e’ xitaan shaki badan la galiyay sida ay suurta-gal ku noqon karto in su’aal noocaas ah Macalinku weydiiyo Ardeyda.
Su'aasha la weeydiiyay Ardayda...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaarinayso qorshaha ciidamada AMISOM ay kaga baxayaan Gudaha Soomaaliya,islamarkaana guud ahaan Ammaanka Soomaaliya lagu wareejin lahaa ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya loo xilsaaray in ay diyaariso qorshaha AMISOM ay ku wareejinayso guud ahaan...
Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgallo lagu furaayo wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab ee degaanada maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo lagu furaayo wadooyinka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Hirshabeelle ayuu xusay in ay hadda howlgallo ka waddaan Waddada u...
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa xalay shacabka Maraykanka u jeediyay khudbaddiisii u horreysay ee sannadlaha ahayd tan iyo markii la doortay.
Madaxweynaha oo khudbadan ka hor jeediyay fadhi ay u dhammaayeen xubnaha labada aqal ee congress-ka Maraykanka ayuu ku sheegay in siyaasaddaha maamulkiisu ku tallaabsaday sannadkii la soo dhaafay...
Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta NRM ee mucaaradka Kenya u yahay mid burcad ah.
Dhaqdhaqaaqa NRM ayaa qeyb ka ah isbaheysiga mucaaradka ee NASA, waxaana tallaabada dowladda Kenya ay timid kadib markii mucaaradka Kenya ay shalay iyaguna xilka madaxtinimada ee Kenya u dhaariyeen hogaamiyaha Mucaaradka...
Warar ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel-gaarka u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay xildhibaan Axmed Taajir oo ka mid ahaa mudanayaasha maamulka Jubbaland, laakiin la sheegay in xasaannadii xildhibaan-nimo lagala noqday maalin ka hor.
Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in ay ka...
Rail Odinga hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya ayaa goor dhow magaalada Nairobi loogu dhaariyay in uu yahay Madaxweynaha Shacabka Kenya.
“Anigoo ah Raila Amolo Odinga waxaan dhowaaq dheer ku sheegayaa in aan ahay qofka mas’uulka ka ah xafiisa Madaxweynaha Shacabka Jamhuuriyada Kenya.”ayuu yiri Odinga.
Xaflada dhaarinta oo socotay muddo ka yar toban...


















