Thursday, August 20, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u sharaxan tahay xil ka mid ah xilalka Urur goboleedka IGAD. Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Madaxda Midowga Afrika kala hadlay sidii  Soomaaliya ay u heli laheyd Xilka Xog-hayaha fulinta Urur goboleed IGAD. Wasiir Cawad ayaa...
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Muudeey oo xalay ka qeybgallay munaasabadii xil wareejinta guddoonka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay xukuumadda hadda jirta in aysan xaqirin waxqabadka xukuumadihii ka horeeyay. “Saaxiibkey Khayre iyo Wasiiradiisa qaar ka mid ah ayaa waxaan ka dhageysanayay in...
Isku duwaha Gurmadka deg degga ah ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock ayaa waxa uu Isniintii sheegay Sanduuqa Caalamiga ah ee Wax ka Qabashada deg degga ah ee QM inuu bixiyay $ 10 Milyan oo Dollar si loo caawiyo dadka ugu nugul Itoobiya. Wuxuu sheegay lacagtan in ay ugu tala galeen...
                        Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Nicolas Tumba ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu kamid yahay wasiir kuxigeenka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Mudane Xirji Jaamac Gaani. Mr. Nicolas Tumbo ayaa sheegay in uu kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho si usoo booqdo Jubbaland, gaar...
Hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in maanta oo tallaado ah loo dhaarin doono xilka madaxtinimada, taasoo xiisad weyn ka dhax abuurtay gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi. Mas’uuliyiinta isbaheysiga mucaaradka ee Kenya ayaa sheegay in xafladda dhaarinta ay maanta ka dhici doonto beerta xorriyadda ee Uhuru...
Saraakiisha Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in la qaaday mamnuucistii dadka qaxootiga ah ee ka socda 11 dal oo halistooda badan tahay in ay galaan Mareykanka. Xoghayaha amniga gudaha Maraykan Kirstjen Nielsen ayaa sheegtay in qaxootiga ay mari doonaan baaritaan adag oo la xiriira heerka halista. 11-ka dal ee wareegtada Madaxweyne Donald...
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulka cusub ee gobolka ayaa xalay si rasmi ah ula wareegay xilka kaddib munaasabad ka dhacday xarunta dowladda hoose ee Xamar. Munaasabada wareejinta oo ay ka soo qaybgaleen madax sare oo uu ka...
                        Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar)  Oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay u yimaadeen magaalada sii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen amniga garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyo adeegyada muhiimka ah ee ka maqan garoonka. Wasiirka ayaa sheegay in...
Kuraastan waxaa ka mid ah kursigii wasiirkii la dilay Cabaas Cabdullaahi Siraaje, iyada oo shalay magaalada Jowhar lagu qabtay doorashada kursi uu horey u baneeyay Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe oo ahaa taliyihii NISA, balse dib ugu tartamay kursigan kadib markii xilka laga qaaday. Xaliimo Yareey oo sharaxaysa kuraasta ay doorashadooda qabanayaan...
                  Hay’adda Culimada Somaliyed ayaa soo saartay Bayaan la xiriira xaaladaha kala duwan ee ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasi oo xiisado dagaal oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ay ka taagan tahay. Bayaanka ay soo saareen Culimada Somaliyed, ayaa waxa ay kaga digeen cawaaqib xumo ka dhalan karta...