Thursday, August 20, 2026
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada ayaa markii ugu horeysay ku heshiiyay Wadaaga Kheyraadka Badda iyo sharciga Kaluumeysiga kaddib kulan ugu soo dhamaaday magaalada Muqdisho. Heshiiska ayaa u dhigan sidan : Annagoo tixgelineyna baahida weyn ee loo qabo ilaalilnta, maareeynta iyo in si joogta ah looga faaiideysto kheyraadka kalluunka badda. Annagoo aqoonsan...
Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho saqdii dhexe ee xalay shir maalmihii ugu danbeeyayba u soda madaxda federaalka, maamul gobolleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaana war-murtiyeed ka soo baxay shirka lagu xeeqay qodobo dhowr ah oo dhinayadu ku heshiiyeen. Qoddobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah Arrimaha Amniga Qaranka, Tubta...
 Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa guddi baaritaan u saaray kiiska dad barakacayaal ah oo dhammaadkii sanadkii tagey xoog looga saaray dhul ay deganaayeen. Guddoomiyaha Gobolka ayaa faray guddiga uu magacaabay in baaritaan deg deg ah oo hufnaan iyo daah furnaanba leh ay ku...
Diyaarad nooca dagaalka oo ay leedahay Israa'iil ayaa maanta lagu soo riday Suuriya, kaddib markii lagu dhuftay gantaal kuwa lidka diyaaradaha ah oo ay ku soo rideen Milateriga Suuriya. Saraakiisha Israa'iil ayaa sheegay in diyaarad dagaal nooceedu yahay F-16 oo howl gal ka waday Bartilmaameedyo ay Iiraan ku leeyihiin gudaha...
Weerar loo adeegsaday Bam sababay khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay lagu qaaday Guri guddoomiyihii hore ee degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar. Debley ayaa la sheegey in ay dhowr Bambaano ku tuuray nawaaxiga guriga uu deganaa Jacfar, waxaana ku dhintay labo qof oo kala...
Wabiga Shabeelle oo ah Ilo biyood ay ku tiirsan yihiin Maalyiin ruux oo ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo labada Shabeelle ayaa hadda waxaa soo food saartay biyo la’aan xoog leh kaddib markii uu gabi ahaanba guray Wabiga oo meelaha qaarna isku badal garoon ay kubadda ku dhax cayaaraan caruurta. Saameyntii...
Wararka ka imanaya degmada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconaya gurmad xoogan oo lagu badbaadinayo hantida saaran Doon dhawaan ku caariday xeebta, kaddib markii sida la sheegay leyska hortaagay in ay ku xirato dekedda. Gurmadkan ayaa sababay in deked macmal ah laga sameeyo halka ay...
Dowladda Suuriya ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay duqeymihii ay ka waday goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha Mucaaradka ah ee dowladda kasoo horjeedda. Dowladda ayaa Shan maalmooda duqaymo ka waday bariga magaalada Ghouta oo u dhaw caasimada Suuriya ee Dimishiq. Ghouta oo ay mucaaradka haystaan ayaa la go’doomiyay, waxaana gabaabsi...
Xukuumadda Washington ayaa ku dhawaaqday in ay cunaqabateeyn saartay Shiraddo lagu eedeeyay in ay taageeraan Kooxda dowladda Islaamka ee Daaciish. Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay seddex qof iyo seddex shirkadood oo lagu eedeynayo inay taageeraan kooxda isku magacowdey Dowladda Islaamiga ah ee ISIS. Shirkadahan iyo dadkaan...
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku casuumay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada inay shir ka dhici doona magaalada Garowe 20-ka bisha Maarso ee soo socoto. Qoraal ka soo baxay Madaxweynaha Puntland ayaa loo kala diray Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed. Kulanka ayaa looga wada...