Aqalka wakiillada Mareykanka ayaa iyaguna raacay waddadii senetka si loogu codeeyo, dib-na loogu furo shaqadii dowladda federaalka, taas oo saqdii dhexe ee Khamiistii ku ekeyd miisaaniyadda dowladda.
Senetka Mareykanka ayaa markii hore u codeeyay dib u furidda shaqada dowladda federaalka ee miisaaniyadda. Sharci dejiyayaasha ayaa ku codeeyay 71 oo haa...
Xarrakada Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay ku soo bandhigeen tiro Odayaal ah oo ay u tababareen dagaalka iyo habka wax loo toogto.
Odayaashan ayaa lagu soo bandhigay fagaaraha Macalin Aadan ee Magaalada Jilib, waxaana ay ku tartamayaan Toogashada ama Shiishka iyaga oo...
Madaxweynaha dowlad Soomaaliyeed ee Hirsahebeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Hirshabelle ku matala dowladda dhexe.
Madaxweynaha iyo xildhibaannada ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo howlaha horyaalla maamulka...
Warbaahinta dowladda Kenya ayaa baahisay in Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degaanka Katuula oo ka mid ah degaanada dalka Kenya ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya oo lagu magacaabo Stephen Ngetich ayaa warbaahimnta u sheegay inay iska caabiyeen weerar ay sideedii fiidnimo waqtiga dalka Kenya...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay ciidamada uu Imaaraadku tababaray ee ku sugan xero ku taala magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in ciidamadaasi yihiin kuwo mishaaraadkoodu bixiyaan Imaaraadka.
Madaxweynaha ayaa inta a ku daray in ciidamadaasi ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, dhawaanna loo isticmaali doono howlgalada ka dhanka...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in si dhaqse ah loo bilaabayo wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland oo in muddo ahba hakad ku jiray.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wada hadalladu yihiin kuwo muhiimad gaar ah u leh shacabka labada dhinac oo sida uu hadal loo baahan yahay in...
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda ayaa maanta la shiray Madaxda xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Michael Keating iyo xubno kale oo UN-ka ah.
Shirka ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Qaramada Midoobay...
Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in goor dhaw oo maanta ah halkaa ka dhaceen Qaraxyo is xig xigay oo sababay khasaare dhimasho.
Hal Askari ayaa ku dhintay Qaraxyada sida ay sheegeen warar lagu kalsoon yahay oo dhinaca amniga ah.
Weerarrada maanta ayaa xigay weerar kale oo...
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay tarxiishay siyaasi caan ah oo maalmahan xabsiga ku jiray kaas oo lagu magacaabo Miguna Miguna.
Miguna oo u dhashay dalka Kenya ayaa balse loo tarxiilay dalka Canada maadaamaa uu heysto jinsiyadda dalka Canada, halkaas oo diyaarad loo saaray shalay.
Dowladda Kenya ayaa...
Hay’addaha Global Media Campaign iyo Ifrah Foundation, ayaa magaalada Dublin ee dalka Iraland, ku qabtay xuska maalinta caalimiga ah ee “La-dagaallanka gudniinka gabdhaha” oo ku began 6-da Febrayo.
Ololaha warbaahinta bulshada ee ka dhanka ah gudniinka gabdhaha ayaa ka bilaabayaa magaalada Dublin #MeToo. Munaasabada waxaa lagu casuumay ururada u dooda...


















