Saraakiil Qaramada Midoobey oo shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa kulan la qaatay ku-simaha madaxweynaha Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Amniga, Xassan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).
Saraakiishan oo ka tirsan Booliska Qaramada Midoobey ayaa muddooyinkan dambe maamulka Koonfur Galbeed kala shaqaynaayay dhinaca ciidamada iyo Arrimaha Ammaanka.
Bengt Gronlund ayaa horkacayay saraakiishan, waxayna ku-simaha madaxweynaha ay is dhaafsadeen tallooyin ku aadan suggida nabadgelyada iyo weliba dhismaha Ciidamada Koonfur Galbeed.
Saraakiishan oo dhameystay muddo xiloodkoodii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayuu Wasiir Xasan (Eelaay) guddoonsiiyay Shahaado sharaf iyo hadiyad uu ugu talagalay, iyagoona kaga mahadceliyay.
warsom2011@gmail.com