Thursday, August 20, 2026
  Ra'isul wasaaraha dalka Thailand Prayuth Chan-ocha ayaa soo saaray hees cusub , taas oo lagu baahiyay barta Youtube-ka. Dad badan ayaa waxaa ay u qaateen in heestan in loogu talo-galay maalinta jacaylka oo ku beegnayd shalay oo ahayd 14-ka bisha Feberaayo. Balse afhayeen u hadlay militariga dalkaas xukuma ayaa meesha ka...
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ee maalmihii ugu danbeeyayba howlgalada ka wada gobolka Shabeellaha hoose ayaa shegay in ay ku qabteen deegaan ka tirsan gobolka gadiid la doonayay in lagu diyaarinayo walxaha Qarxa. Deegaanada ay ciidamada howlgalada ka sameeyeen ayaa waxaa ka mid ahaa Aw-dhegle, Mubarak iyo Dar Salam. Gaar ahaan howlgalkan...
Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay ka dhacdo doorashada kursi ka mid ah golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo banaanaa. Kursiga Golaha Shacabka ee lagu tartami doono ayaa waxaa horey ugu fadhiyay Allaha u naxariistee Marxuum Cabaas C/laahi...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wadahadalka maalamahan socda ee u dhaxeeya Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya iyo Jabhada lagu magacaabo ONLF. Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay wadahadal kasta oo keenaya Nabad, Xasilooni iyo Wanaag in ay...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ay waheliyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dalka France u qaabilsan Soomaaliya, Antoine SIVAN iyo wafti uu hogaaminiyo. Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,...
 Dowladda Ethiopia ayaa shalay xabsiga ka sii deysay Bekele Gebre oo ah hoggaamiye sare oo mucaarad ah, sidoo kalena laashay dhammaan eedihii loo haystay. Bekele Gebraoo ah xoghayaha guud ee ururka Oromoda OFC, ayaa dowladdu ay xabsiga dhigtay bishii Dec 2015-kii, kadib markii ay qarxeen dibaxbaxyo ka dhacay gobolka Oromada. Warbaahinta...
 Madaxda hay'adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu sii wadi doono iskudayga faragelinta ah ee uu ku hayo siyaasadaha Mareykanka, waxaana ay sheegeen in iskudayaddaasi ay khatar ku yihiin doorashooyinka la qaban doono bisha Nofeembar. Madaxda hay'adaha kala duwan ee sirdoonka ayaa hadalkan sheegay mar ay warbixin siinayeen guddiga...
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in biyo la’aan ay ka jirto deegaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle. Waxaa uu sheegay in markii Wabiga uu guray in dadka ku nool tuulooyin ku yaalla dulleedka magaalada Jowhar in ay soo wajahday biyo la’aan...
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa wali ka sii soconaya wada hadal u dhaxeeya Itoobiya iyo ONLF oo ah Urur hubeysan oo muddo dheer ka soo horjeeda dowladda Itoobiya. Cabdiqaadir Xassan Hirmooge oo ah afhayeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in wada hadalladaasi ilaa iyo hadda si wanaagsan ku socdaan kana...
  Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay xaley rasaas ku fureen gaari uu watay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey oo marayay meel aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada. Ciidamada ayaa la sheegay in ay rasaasta ku fureen gaari uu watay...