Thursday, August 6, 2026
Galinkii dambe ee Shalay waxaa magaalada Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ka qabsoomay kulan looga hadlaayay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii looga xureyn lahaa meelaha ay kaga sugan yihiin Hiiraan. Kulanka ayaa dhexmaray masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidanka Militeriga Soomaaliya, hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda...
Ugu yaraan 23 muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa geeriyooday kaddib markii laba doon oo waday muhaajiriin sharci-darro ah ay ku degeen xeebaha Lampedusa ee dalka Talyaaniga. Kooxaha gurmadka ee ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa ku guuleystay inay badbaadiyaan 15 qof, sida uu sheegay Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga, Ibraahim Cumar Sheegow, Arbacadii. Safiirka waxa...
Safiirkii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya, larry Andre. ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka in ay si taxaddar badan uga fiirsato arrinta Somaliland, xilli ay sii xoogeysanayaan codadka gudaha Mareykanka ee ku baaqaya in maamulka Hargeysa loo aqoonsado dal madax-bannaan. Diblomaasigan ayaa sheegay in Geeska Afrika uu ku jiro xaalad aad...
Puntland ayaa ku dhawaaqday in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari lagu dilay ku dhawaad 700 dagaalyahan oo ajaanib ah tan iyo markii howlgalkan la bilaabay dabayaaqadii sannadkii hore. Puntland ayaa sheegtay in Soomaalida ku dhintay howlgalkaas ay ahaayeen shan qof oo keliya. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, la-taliyaha madaxweynaha Puntland...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saakay si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo laga hirgeliyay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Dhismahan casriga ah oo loo dhisay si loo xoojiyo shaqada sharci-dejinta ee maamulka Galmudug ayaa qeyb ka ah mashaariic ballaaran oo lagu...
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaal-marin gaareysa illaa $10 milyan oo dollar iyo dib-u-dejin, taas oo la siin doono qofkii keena xog muhiim ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee kooxda Daacish ee Soomaaliya. Mareykanka ayaa sheegay in ISIS-ta Soomaaliya ay tahay mid ka mid ah laamaha ugu muhiimsan ee...
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Danjire Maxamed  Cali Nuur Ameriko inuu noqdo maareeyaha cusub ee Dekedda Muqdisho, taas oo ah tallaabo istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo hufnaanta iyo howlgalka dekedda oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka. Dowladda Soomaaliya Safiirkii hore ee Kenya...
Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysanaa oo dhanka cirka ah ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkaan duqeynta ahaa ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhufaysyo iyo gabaadyo ay  ku dhuumaaleysanayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab. Warsaxafadeed kasoo...
Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed ayaa Dhawaan Magacaabey Gudiga Doorashada iyo Soo Xulidda Xubnaha Ururka uga Qeybgelaya Golayaasha Deegaanka Degmooyinka iyo Barlamaanka Gobolka Banaadir,Gudiga oo ka Kooban 5 Xubnood oo leh Gudoomiye ku Xigeen iyo Xubno waxey Bilaabeen Hawlahooda ayaa Shacabka ku Wargeliyey in ay Araajidooda Gudiga u keenaan si...
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan si guul leh uga fuliyey deegaanka Cumar Beerre iyo deegaannada ku dhow ee ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay ku warantay warbaahinta rasmiga ah ee dowladda Federaalka. Howlgalkaas oo ujeedkiisu ahaa in lagu baabi’iyo khatarta iyo dhibaatada Al shabaab ay ku hayaan...