Kani Torun, oo ah diblumaasi iyo safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, ayaa sheegay in aysan jirin wax qodob ah oo sharci ahaan lagu aqoonsan karo Somaliland, oo qayb ka ahayd Soomaaliya ka hor intaanay ku dhawaaqin gooni-isu-taaggeeda sannadkii 1991.
Torun ayaa ku dooday in waxa keliya ee Somaliland...
Xarunta Qaahira ee Nabadda, Halganka iyo Tababarka (CCCPA) ayaa ku dhawaaqday inay soo gabagabeysay tababar markii ugu horreysay loo qabtay cutubyo kamid ah ciidamada Masar oo ku biiraya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Tababarkan oo si wadajir ah u qabanqaabiyeen CCCPA iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Masar, ayaa waxaa...
Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa guddoomiye u doortay Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan, kaddib markii uu ku guuleystay codad gaaraya 53, halka musharraxii la tartamayay Cabdiqafar Maxamuud Maxamed (Dheeliye) uu helay 29 cod.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub, isaga oo sheegay in...
Hantidhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, ayaa soo bandhigay warbixin dhameystiran oo laga diyaariyay baaritaanno xagga maaliyadda ah oo lagu sameeyay qaar ka mid ah hay’adaha dowladda iyo mashaariicda lala xiriirinayo ururo caalami ah.
Axmed Ciise Guutaale ayaa soo bandhigay in Maxkamadaha dalka ay diideen in la baaro,...
Saakay magaalada Laascaanood waxaa ka socota doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya iyo ku-xigeennadiisa.
Guddiga Doorashada ayaa sheegay in ay xilkaan isu soo taageen shan musharrax, kuwaas oo labo kamid ah u tartamayaan guddoomiyaha, halka saddex kalena ay ku loolamayaan kuraasta ku-xigeennada.
Doorashadan ayaa ah mid si weyn indhaha loogu...
Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag u weeraray qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dalka, isaga oo uga digay in aysan isku dayin inay ku kacaan abaabul ciidan ama hubeysan.
Hadalkan ayaa yimid xilli ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo cakiran, kadib markii wada-hadallo...
Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, taasoo lagu beddelayo habka doorasho ee dadban oo muddo dheer dalka ka jiray.
Hadalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu doonayo in lagu xaqiijiyo himilooyinka dimuqraadiyadeed...
Garsoore federaal ah oo Mareykan ah ayaa go’aamiyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda aysan adeegsan karin mamnuucidda socdaalka ee uu Donald Trump soo rogay si ay u diido fiisaha dadka ajaanibta ah ee codsada.
Go’aankan wuxuu khuseeyaa 82 qof oo doonayay inay fiiso helaan, balse weli waxaa suurto gal ah in...
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo si gaar ah u dul istaagay aragtidiisa ku aaddan mucaaradka iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.
Madaxweynaha oo ku sugan magaalada Dhusamareb, ayaa tilmaamay baahida loo qabo in dalka uu yeesho nidaam siyaasadeed oqaan-gaadhr...
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta qabtay shir jaraa’id oo uu si adag ugu weeraray Madaxweynaha hadda talada haya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu isticmaalayo hadallo qabiil ku saleysan si uu kursiga ugu sii nagaado.
Rooble ayaa ku andacooday in Madaxweyne Xasan uu...


















