Thursday, August 6, 2026
 Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujisay hoos u dhaca maalgelinta gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Warbixin cusub oo kasoo baxday QM ayaa lagu sheegay in Soomaaliya la gaarsiiyay kaliya 17% maalgelintii gbani’aadamnimo ee qorshaysnayd sanadkan. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in sanadkan Soomaaliya loo qoondeeyay in la helo 1.42 bilyan oo...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo weerar culus oo xakay maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Barujeed ee dueedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Wararka oo ahaa mid kooxdu ay ku bilawday bambooyin ayaa waxaa xigay dagaal fool ka...
Liiska xildhibaanada maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhex si rasmi ah loo shaaciyay, kaddib  muran ka taagnaa kalsoonida lagu qabo guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaaanada ee ay DFS soo magacowday. Tirada xildhibaanada lagu dhawaaqay xalay ayaa gaaraya 83 xildhibaan, wuxuuna maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya noqonayaa mid kamid ah...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga digay qorshe uu sheegay in ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu doonayo in lagu xiro xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay (UNSOM) ee dalka. Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay arrintaas mid khatar galin karta hufnaanta doorashooyinka soo socda...
Dowladda Kenya ayaa daaha ka qaaday baahida loo qabo taageero caalami ah si loo xoojiyo dadaallada la-dagaallanka argagixisada ee ka socda gudaha Soomaaliya, iyadoo si gaar ah diiradda u saareysa baahida degdegga ah ee loo qabo in la buuxiyo saldhigyadii ay ka baxeen qaar kamid ah Ciidamada Howlgalka Midowga...
Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in warqaddii uu Senator Ted Cruz kaga codsaday Trump in uu  “aqoonsi” siiyo Somaliland ay ahayd mid lagu weeraray xidhiidhka Shiinaha-Soomaaliya, isla markaana ay ahayd faragelin cad oo loo gaystay arrimaha gudaha Soomaaliya. Safaaraddu waxay sheegtay in arrintani ay muujinayso dhaqanka kali-talisnimo iyo cabbudhin...
Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, iyo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay shir gaar ah ku yeeshay hoyga Shariif Sheekh Axmed ee magaalada Muqdisho. Kulankaasi oo si hoose u dhacay ayaa lagu sheegay inuu yahay mid muhiimad gaar ah...
Ra'iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdooyinkii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay xaafadda Tarabuunka ee Degmada Hodan iyagoona eedeyn culus ujeediyay Dowladda Soomaaliya. Rooble oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ku tilmaamay dhacdadaasi musiibo qaran oo aan marna la...
Muran xooggan ayaa ka taagan xulista xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee maamulka Waqooyi Bari, iyadoo qabaa’ilo badan ay ka cabanayaan in kuraastooda lagu hayo faragelin, islamarkaana dadka ka ag dhow Madaxweyne Firdhiye loo xiray kuraastooda. Madaxweyne Firdhiye oo ah musharax madaxweyne ayaa lagu eedeeyay inuu baarlamaanka gaysanayo shakhsiyaad uu doonayo inay...
Ugu yaraan 20 qof ayaa la sheegay in ay dhinteen kadib markii laba doonyood ay saranaayeen ku degeen badda u dhow jasiiradda Lampedusa ee Koonfurta Talyaaniga, Arbacadii shalay ahayd. Muhaajiriinta saarnaa doonyaha waxay kasoo baxeen dalka Libya, waxayna kasoo jeedaan waddamada Pakistan, Sudan, iyo Soomaaliya, waxaana saraakiisha Jasiirada ay xuseen...