Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho hal cisho ah ku jooga dalka Kenya ayaa wadahadal kula yeeshay Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkan Mudane Uhuru Muigai Kenyatta.
Madaxweyneyaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada ammaanka, la dagaallanka kooxaha argagixisada ah, ganacsiga iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa...
Shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dambiyadda Kufsiga iyo Hindise Sharciyeedka Nakhshadeynta Magaalooyinka Soomaaliya. Sidoo kalana waxaa warbixino kala duwan laga dhagaystay qaar kamid ah gollaha wasiiradda iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Ugu horeyn, Wasiirka amniga Gudaha...
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta booqasho hal maalin ah ku soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa hadda wadahadal la leh dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaana kulanka labada madaxweyne uu ka socda xarunta madaxtooyada Kenya.
Lama sheegin arrimaha ay ka wadahadlayaan...
Puntland ayaa ku eedaysay Soomaaliland inay caburin ku heyso shacabka ku nool magaalada Laascaanood oo xarun u ah gobolka Sool, sida ku cad warsaxaafadeed goor dhow u baahiyay xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.
Warsaxaafadeedka ayaa ku wargeliyay hay’adaha u doodda xaquuqda insaanka oo ay ugu horreeyso Human Rights Watch iyo beesha caalamka...
Madaxweynaha Soomaaliyaa Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo booqasho hal maalin qaadan doonta uu ku joogi doono.
Faah faahin rasmi ah lagama bixin socdaalka madaxweynaha, waxaana lagu wadaa in safarka madaxweynuhu uu qaato hal maalin.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Jommo Kenyatta kusoo dhaweeyay...
Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay ku dhawaaqday xukunka dacwad ciqaabeedkii loo heystay eedeysanayaasha kala ah Farxaan Maxamed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa raggan wuxuu ku soo eedeeyay dambiyada kala ah kamid noqoshada ururo hubeysan oo lid ku ah...
Ilaa 10 ruux ayaa lagu rumeysan yahay lagu dilay weeraray maleeshiyaad hubeysan ka geysteen deegaan lagu magacaabo Monjane oo ka tirsan gobolka Cabo Delgado dalka Mozambique.
Dadka la dilay oo ay ka mid ahaayeen carruur aya lagu waramayaa in dhamaantood la gowracay oo aan wax rasaas ah loo adeegsan.
Maleeshiyadkan weerarka...
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ay ciidamada ammaanka ka fuliyeen guri ku yaal degmada Waaberi kaasoo ay ciidamadu ku soo qabteen labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan.
Ciidamada howlgalka fuliyay ayaa bartilmaameedsaday guri ay degenaayeen rag lagu tuhunsanaa inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.
Waxaase ay...
Waxaa goor dhaw oo saakay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay 154 dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya.
Maxaabiistan waxaa wehlinayay oo la socday Safiirka Soomaaliya ee Yurub Ambassador Cali Siciid Fiqi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiiro ka...
Warqad Kasoo Baxdey Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya ayaa Waxaa Lagu Wargeliyey 14 Xisbi Siyaasadeed oo Diiwaangelin KMG ah Haysta Kuwaas oo Loo Sheegey in ay kasoo Qayb Galaan Kulan ka Dhici Doona 04/06/2018 Dhismaha Gudiga Madabanaan ee Doorashooyinka Qaranku Ka Deganyahey Xarunta Madatooyada Villa-Soomaaliya.
Xisbiyada Kulanka Lagu...

















