Ilaa 10 ruux ayaa lagu rumeysan yahay lagu dilay weeraray maleeshiyaad hubeysan ka geysteen deegaan lagu magacaabo Monjane oo ka tirsan gobolka Cabo Delgado dalka Mozambique.
Dadka la dilay oo ay ka mid ahaayeen carruur aya lagu waramayaa in dhamaantood la gowracay oo aan wax rasaas ah loo adeegsan.
Maleeshiyadkan weerarka geystay oo la aasaasay sanadkii 2015ka ayaa la baxay magaca Al-shabaab, laakiin lama oga in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab ee ka daagalama gudaha dalka Soomaaliya iyo in kale.
Booliska dalka Mozambique ayaa xabsiga dhigey ugu yaraan labo boqol oo ruux kuwaasoo lagu tuhmay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab howlgalo ay ciidamadu bilaabeen bishii Oktoobar ee sanadkii hore.
warsom2011@gmail.com








