Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ee GMDQ oo Iclaamiyey Kulanka 14 Xisbi Haysta Shahaado KMG.

0
743

Warqad Kasoo Baxdey Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya ayaa Waxaa Lagu Wargeliyey 14 Xisbi Siyaasadeed oo Diiwaangelin KMG ah Haysta Kuwaas oo Loo Sheegey in ay kasoo Qayb Galaan Kulan ka Dhici Doona 04/06/2018 Dhismaha Gudiga Madabanaan ee Doorashooyinka Qaranku Ka Deganyahey Xarunta Madatooyada Villa-Soomaaliya.

Xisbiyada Kulanka Lagu Marti Qaadey ayaa Waxa ay Kala Yihiin:-

     XISBIGA GARSOOR

2.     XISBIGA MIDNIMADA & DEMOQORAADDIYADDA

3.     XISBIGA UMMADDA SOOMAALIYEED

4.     XISBIGA QARANKA EE DIMUQRAADIGA

5.     XISBIGA MIDNIMADA JAMHUURIGA SOOMAALIYEED

6.     XISBIGA HORUMARINTA

7.     XISBIGA MIDNIMADA BULSHADA SOOMAALIYEED

8.     XISBIGA SINNAANTA AMMAANKA IYO MIDNIMO U OLOLEYNTA

9.     XISBIGA CADDAALADDA IYO MIDNIMADA

10.   XISBIGA WADAJIR

11.   XISBIGA DAMIIRKA SOOMAALINIMADA IYO HORUMARKA

12.   XISBIGA CADDAALADDA IYO BADBAADADA

13.   XISBIGA DADKA SOOMAALIYEED

14.   XISBIGA SHAKHSIYADDA & WADDANIYADDA SOOMAALIYEED

Ugu Danbeyntii Xafiiska Diiwaangeliyaha ayaa Xisbiyada ka Codsadey in Xisbi kastaa Soo Gudbiyo Magacyada 3 Sadex Xubnood oo Shirka uga Qaybgelaya,uuna kamid yahey Gudoomiyaha Xisbiga iyo Labo Xubnood Isla Markaasna ay Waqtiga Dhawraan,Maadaama Ajendaha Shirku uu Yahey Mid Muhiim u ah Xisbiyada Diiwaan gashan ee GMDQ Siiyeen Shahaadada Diiwaangelinta KMG.