Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta booqasho hal maalin ah ku soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa hadda wadahadal la leh dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaana kulanka labada madaxweyne uu ka socda xarunta madaxtooyada Kenya.
Lama sheegin arrimaha ay ka wadahadlayaan labada madaxweyne , warbaahinta ayaa lugu wargeliyay marka uu soo dhammaado kulan inuu hadal jeedin doonno madaxweyne Farmaajo oo marka la filayo inuu faahfaahiyo wada hadalka.
Madaxweynaha ayaa galinkii hore ee maanta soo gaaray Nairobi, waxaan garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Monica Juma iyo Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee kenya Mudane Cali Maxamed Sheekh.
warsom2011@gmail.com