Boqortooyada Ingiriiska, ayaa ku dhawaaqday taageero cusub oo maalyaddeed oo ku kacaysa $ 29.2 million) oo loogu talo galay Soomaaliya, kadib booqashadii uu Soomaaliya ku yimid Wasiirka Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska, James Duddridge.
Waa booqashadii ugu horreysay ee wasiir ka tirsan dowladda UK uu ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii...
Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa waxba kama Jiraan ka soo qaaday dooddii xisbiga Jamhuuriga ku rabeen in madaxweynaha la doortay Joe Biden loogu diido guushii uu ka gaaray gobolka muhimka ah ee Pennsylvania.
Madaxweyne Donald ayaa ku doodday in aan looga guuleysan doorashada, balse taa badalkeeda ay dhacday ku shubasho...
Ra'iisal Wasaaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in booqasho labo cisho oo ka bilaabeysa maalinta berri ah uu ku tago dalka Kenya.
Safarka Ra'iisal Wasaaraha ayaa noqonaya kiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalkii ciidamada difaaca Qaranka kula jireen jabhada TPLF...
Madaxweynaha dowadda Kenya, Uhuru kenyatta ayaa dhaleeceeyay wadamada shisheeye oo uu ku eedeeyay isku day fara galin ka dhan ah arrimaheeda gudaha.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay qadarinayso taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay ummadaha kale, balse aysan aqbalayn in cid kale soo fara galiso oo wax...
Sida uu shaaciyay Bangiga Qaranka ee Itoobiya waxaa maanta guud ahaan la joojiyay isticmaalka lacagtii hore ee Itoobya, iyadoo aan waxba lagu kala iibsan doonin laga bilaabo maanta oo Talaado ah.
Bangiga ayaa sidoo kale sheegay inay maalmo kooban sii socon doonto badalaada lacagtii hore, cidda jeebkeedu kusii jirtana ay...
Ku simaha xoghayaha gaashaandhiga Maraykanka Christopher Miller ayaa jimcihii maanta usoo safray Soomaaliya si uu ula kulmo ciidamada mareykanka ee halkaas ku sugan.
Booqashadiisa ayaa kusoo beegantay xilli madaxweyne Donald Trump uu ka fiirsanayo in ciidamada Mareykanka laga saaro dalka Soomaaliya.
Miller oo tobankii bishaan uu magacaabay madaxweynaha xilka ka dagaya...
Isaga oo wareysi siinayay France 24 ayuu sheegay Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shiddo in dagaalka ka socda gobolka Tigrayga uu yahay mid lagu soo celinayo'' Amarka iyo Kala danbeynta gobolka''
Wuxuu sheegay in ciidamada difaaca Qaranka ay la wareegeen maalmihii ugu danbeeyay deegaanno dhowr ah dhawaanna la soo afjari doono...
Maxkamad ku taal dalka Canada ayaa xukun ka khafiifisay nin sanadkii 2017 weerar ka fuliyay masaajid ku yaal magaalada Quebec.
Alexandre Bissonnette ayaa sanadkii hore lagu xukumay laba goor oo xabsi daa’in ah, kadib markii uu lix qof ku dhex dilay masaajidka, halka shan kale uu si xun ugu dhaawacay.
Maxkamadda...
Sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada ee dalka Itoobiya waxaa dib loo dhigay ilaa wakhti aan la shaacin imtixaankii fasalka 12aad ee Itoobiya.
Haddaba Imtixaanka dib loo dhigay ayeey Wasaaraddu ku sababaysay maadaama dalku ku jiro xaalad amni, sidaa daraadeedna ilaa wakhti aan la xadidin dib loogu dhigay imtixaankii fasalka 12aad...
Hoggaamiyaha Jabhada TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ku gacanseyray dalabkii ugu yimid Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo u qabtay 72 saacadood in ay isku soo dhiibaan.
Wuxuu sheegay in marnaba aysan u hoggaansimi doonin dalabka uga yimid dhinaca Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya, taa badalkeedana diyaar u yihiin in ay dhintaan.
Ciidanka...


















