Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayo caqabado amni, siyaasadeed iyo dhaqaale oo aad u adag, kuwaas oo u baahan iskaashi iyo isbahaysi goboleed oo xooggan, gaar ahaan mid lala yeesho Boqortooyada Sacuudiga iyo Jamhuuriyadda Masar.
Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay...
Midowga Yurub ayaa ku boorriyay isbahaysiga mucaaradka Soomaaliya inay aqbalaan casuumaadda dowladda ee ka-qaybgalka madasha wadatashiga qaran, isaga oo ku baaqay wada-hadal loo dhan yahay si xal loogu helo ismariwaaga siyaasadeed ee sii xoogaysanaya ee ku saabsan doorashooyinka soo socda.
Baaqan ayaa yimid xilli Midowga Yurub uu soo dhoweeyay casuumaadda...
) - Safaaradda Boqortooyada Midowday ee UK ku leedahay Soomaaliya ayaa soo dhaweysay ku dhawaaqista Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qabsoomidda shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo la filayo in bisha soo socota lagu qabto magaalada Muqdisho.
Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay safaaraddu ayaa lagu...
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ku sugan magaalada Davos ee Switzerland halkaas oo ka socdo Shirka Dhaqaalaha Adduunka, ayaa la kulmay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog.
Madaxweyne Herzog oo qoraal ku baahiyay baraha bulshada ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo xidhiidhka cusub ee ay yeesheen Somaliland iyo Israa’iil, isla...
Puntland ayaa soo bandhigtay afar xubnood oo ka tirsan ururka Daacish (ISIS), kuwaas oo si iskood ah isugu soo dhiibay ciidamada amniga ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad.
Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Puntland ayaa sheegay in xubnahan ay doorteen inay isdhiibaan, isla markaana la marin doono baaritaanno dhanka amniga ah...
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inuu saakay dib uga qarxay gudaha magaaladaas dagaal culus oo u dhaxeeya kooxda Al-shabaab iyo ciidanka Daraawiishta Jubbaland.
Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan,...
Ururka Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa ku dhawaaqay samaynta isbahaysi siyaasadeed cusub oo ay ugu magac dareen Isbahaysiga Shacabka Soomaaliyeed ee Aayo-ka-tashiga (SPAS), kaas oo ay sheegeen inuu u taagan yahay mideynta dadaallada siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo kuwa bulshada ee shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Itoobiya.
Bayaan dheer oo ay...
Mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ugu waaweyn Soomaaliya, Hormuud Telecom, ayaa ku eedeysay ciidamada Kenya in ay burburiyeen mid ka mid ah xarumaheeda muhiimka ah ee shabakadda taleefannada gacanta, taas oo ku taalla gobolka Jubbada Hoose.
Shirkaddu waxay sheegtay in burburintaasi ay sababtay hakad ballaaran oo ku yimid...
Isimada dhaqanka beesha Daarood oo kulan ballaaran ku yeeshay magaalada Laascaanood, ayaa taageeray go’aanka Dowladda Soomaaliya ee lagu buriyay dhammaan heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta (UAE), oo lagu eedeeyay ku xadgudubka midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Baaqan ayaa ka soo baxay isimada dhaqanka oo isugu jira boqorro, isimmo, garaaddo,...
Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi difaac oo lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo wada-shaqeynta amni ee u dhexeeya labada dal, waana tallaabo muujinaysa isbeddel istiraatiiji ah oo ku yimid siyaasadda difaaca Soomaaliya.
War ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ku sheegtay in Heshiiskan si rasmi...


















