Friday, June 19, 2026
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Albert Shingiro oo booqasho qaadaneysa laba maalmood ku jooga magaalada Muqdisho. Wasiirka Albert Shingiro ayaa soo gaarsiiyey Madaxweyne Xasan Sheekh fariin iyo salaan uu ka siday dhigiisa Madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye. Wasiirka...
Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan Xaquuqda Muhaajiriinta iyo Caruurta Maryan Xaaji Yuusuf ayaa walaac xoogan ka muujisay xaalada deg deg ah ee ka taagan wadanka Suudaan. Warsaxafadeed kasoo baxay Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Xaquuqda Muhaajiriinta iyo Caruurta ayaa lagu sheegay in...
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay daciifisay awooddii kooxda Daacish, kaddib markii ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay sare u qaadeen olole lagu burburinayo kooxdan. Howlgallada ciidamada Mareykanka ay ka wadeen Suuriya, Ciraaq iyo Soomaaliya ayaa lagu dilay afar ka mid ah madaxda ugu sareysa ee Daacish tan iyo bilowgii sanadkan...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa habeenkii labaad magaalada Muqdisho ka sameeyay howlgallo lagula dagaalamayo kooxaha maandooriyaha. Howlgalkan uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maddaale ayaa lagu tagay goobo caan ah oo lagu isticmaalo maandooriyaha, halkaas oo ay ciidamadu ku qabteen dhallinyaro badan oo rag iyo dumar isugu jira oo maandooriyaha ku isticmaalayay...
Howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS ayaa lagu wadaa in loo kordhiyo joogitaankooda Soomaaliya, arrintaas oo ay haatan ka wada hadlayaan dowladda Soomaaliya iyo guddiga nabadda ee Midowga Afrika. Qorshahaan ayaa wuxuu sheegayaa in ATMIS lagu sii hayo Soomaaliya ugu yaraan laba sano oo dheeraad ah, taasoo meesha ka saaraysa...
Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sharaxaad ka bixiyay muqaal si weyn baraha bulshada u qabsaday saacadahii lasoo dhaafay. Muqaalka ayaa muujinaayay guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ul ku garaacaya dhalinyaro isugu jirtay wiilal iyo gabdho ku wada sugnaa goob ku taala xeebta liido...
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa xaqiijisay in dowladda Itoobiya ay aqbashay in Soomaalida ka soo qaxaysa Suudaan ay yimaadaan dalka Itoobiya, kaddib wadahadal ay la yeelatay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa. Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in ay daad gureyneyso dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay saddex nabadoon oo kamid ah dadkii ku geeriyooday weerarkii kooxda Alshabaab ka geysatay degaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud. Madaxweyne Xasan Sheikh oo soo saaray war qoraal ah ayaa u tacsiyeeyay qoysaska ay ka geeriyoodeen nabadoon Cusman Macalin Axmed, Nabadoon Ibraahim Maxamed Cusman...
Soomaaliya iyo Serbia ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ay labada dal ay iska kaashan doonaan mashaariic horumarineed oo dhowr ah. Heshiiskaan ayaa waxaa lagu kala saxiixday kulan dhex maray Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Duqa magaalada Belgrade Aleksandar Šapić. Heshiiskan cusub ayaa labada...
Kooxda Alshabaab ayaa markii ugu horreysay baahisay magaca iyo macluumaadka ninkii isku qarxiyay saldhigii ciidmada Danab ee magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud. Abshir Caamir Isxaaq ayaa kasoo muuqday barnaamij kooxda ay ka diyaarisay weerarkii bishii January Alshabaab ay kula wareegeen magaalada Galcad, halkaas oo maalmo ka hor laga qabsaday. Alshabaab ayaa...