Waxaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay dib u eegistii koowaad ee dhaqaalaha Soomaaliya, kadib kulamo isdaba joog ahaa oo dhexmaray madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa hay'adda IMF, tan iyo wixii ka dambeeyay deyn cafinta.
Kulamada u dhaxeeyay Madaxda dowladda iyo kuwa IMF ayaa soo socday tan iyo bishii Decembar...
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixyay howlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gudaha dalka.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka todobaadkii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab iney ka fuliyeen deegaano ka kala tirsan gobolada Shabeelooyinka...
Guddiga Sare ee IMF oo dhameystiray dib u eegistii ugu horeysay ee hoos timaada barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya, ayaa ogolaaday in si degdeg ah loo bixiyo ilaa 10 milyan oo doolar si ay ugu taageeraan siyaasadda dhaqaale ee Soomaaliya.
Taageeradan ayay IMF sheegtay in la marin doono miisaaniyadda dowladda Soomaaliya,...
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta khudbad ka jeediyay shirka 10-aad ee heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha, ayaa si qoto-dheer uga hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Carabta.
Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay tahay dalkii ugu...
Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay hannaanka doorashada hoggaanka sare ee Midowga Afrika, iyadoo loogu baaqay musharraxiinta daneynaya inay soo gudbiyaan taariikh nololeedkooda oo ay weheliso bayaanno muujinaya sida ay doonayaan inay horumariyaan ajendaha isbeddelka ee Midowga Afrika.
Doorashada ayaa dhici doonta bisha Febraayo 2025 inta lagu guda jiro shir madaxeedka...
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa todobaadkii labaad oo xiriir ah howlgalo ka dhan ah dadka baraha bulshada ka dhex sameeya anshax xumada iyo kicinta dadweynaha ka wada gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu...
Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in aysan ku lug lahayn weerar duqayn ah oo ka dhacay buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag.
Idaacadda VOA Soomaali ayaa sheegtay in taliska Maraykanka ee Afrika uu farriin qoraal ah ugu sheegay in aanay jirin wax duqayn ah oo ay geysyteen ciidamada Maraykanka.
Warkaan ayaa kusoo beegmay,...
Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay ka qeyb galka Somaliland ee caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan oo dhacday 20-kii bishaan May.
Afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa saxaafadda u sheegay, in Shiinuhu mowqifkiisu yahay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya.
“Shiinuhu uma arka Somaliland dal, wuxuuna raacsan yahay xaqiiqada...
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa halkaas ka wada abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.
Maxamuud Sayid Aaden ayaa gudaha degmada Ceelwaaq kula hadlay ciidan cusub oo dhawaan tababar loo soo xiray, kuwaas oo loo...
Bangiga Horumarinta Afrika ayaa maanta dowladda Fedaraalka Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $18 Milyan oo dolar, taasoo loogu talo galay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka Cimlada.
Munaasabadda lagu saxiixayay heshiiska Bangiga horumarinta Afrika iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya oo uu ka...


















