Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in aysan sii deyn doonin Viisadaha dal-ku-galka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya ee heysta baasaboorka adeegga.
Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya ayuu Xaadow ku wargaliyay muhiimadda ay leedahay in shaqaalahooda ay ku wargeliyaan is beddelkan cusub, iyagoo raacaya xeerarka dublamaasiyadeed.
Inkastoo Turkiga uu si weyn u caawiyo Soomaaliya, haddana helitaanka fiisooyinka ka Dalxiiska, Waxbarasho, iyo Fiisooyin Caafimaad oo ay ka bixiso Safaaradda Turkiga ayaa sannadihii u dambeeyay caqabad ku ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Ma cadda sababaha loo diiday dal ku galka, balse ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in laga yaabo inay la xiriirto arrimaha socdaalka, maaddaama shaqsiyaad ka yimid qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto ay Turkiga u adeegsadaan marinka Yurub.













