Thursday, August 13, 2026
Warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta siyaasadda Imaaraadka ayaa lagu muujiyay khatarta sii kordheysa ee ka imaanay Puntland. Isballaarintaan ayaa ku timid Khasaarooyin ku yimid kooxda ay iska soo horjeedaan ee Al-Shabaab oo la safan Al-Qaacida. Wararka ayaa sheegaya in Daacish ay Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta Buuraleyda Al-Miskaad...
Hogggaamiyaha maamulka SSC- Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa sheegay, dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka doonayaan in maamulkooda uu ka baxo kumeel gaarnimada ayna siiyaan sharciyad buuxda, si buu yiri loogu quus gooyo maamulka Somaliland. Hoggaamiyaha Khaatumo ayaa sheegay, jiritaanka maamulkiisa in uu muhiimad weyn u leeyahay isku haynta...
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay, Shabaabkii looga adkaaday dagaalladii ka dhacay degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, in ay isku arursadeen buuralada gobolka Bari ee Puntland. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo la hadlayay idaacadda VOA Soomaali, ayaa sheegay, in dowladda federaalka ay duullaan ku qaadday Shabaabkaas, kuwaas oo...
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa si weyn u adkeeyay amaanka baraha koontaroolada ee laga soo galo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Baraha koontaroolada ayaa lagu arkaayay maanta baaritaano ka duwan baaritaanadii hore, waxaana baarista qeyb ka ahaa ciidanka miino baarista iyo eeyaha u tababaran urinta waxyaabaha qarxa. "Ciidanka Howl-galada iyo Baraha Kontorolada...
Dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag uga horyimid war kasoo baxay dowladda fedderaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay howlgal ka dhan ah Alshabaab ka fuliyeen degaanada Calmadow ee gobolka Sanaag. War saxaafadeed goor dhowayd kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee...
Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay la wareegi doonto awoodda Soomaaliya, haddii Midowga Afrika uu kala baxo ciidamadiisa dhammaadka sannadkan. Isagoo ka hadlayay booqasho uu ku tagay dalka Mareykanka, ayaa hoggaamiyaha Kenya waxa uu ku baaqay in Washington ay u istaagto sidii looga hortagi lahaa...
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay digniin amni, iyadoo kula talisay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Muqdisho inay muujiyaan taxadar dheeraad ah toddobaadka soo socda. War qoraal ah oo kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa loogu sheegay muwaadiniinta Mareykanka, in weerarrada argagixisadu ay u dhici karaan si lama...
Sii hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta soo gaaray magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Waraaxafafeed kasoo baxay Xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in James Swan uu diiradda saari doono sidii looga taageeri lahaa dowladda Fedaraalka iyo dadka Soomaaliyeed  dhinacyada...
Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saacadahii lasoo dhaafay naq la taaban karo ka sameeyay xaafadaha Baledweyne. Xaafadaha sida weyn u saameysay fatahaada wabiga Shabeelle ayaa kala ahaa Kooshin iyo Xaawa taako oo ay ka barakaceen qoysaska ugu badan, halka Bundaweyn iyo howlwadaag meelo...
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateyn ku soo rogay saddex hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab, sida uu qabo qaraarka tirsigiisu yahay 2713. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweis Jaamac ayaa bogaadiyay go’aankan. “Dowladda Federaalka ah ee...