Thursday, August 13, 2026
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay wadooyinka isku xira gobolada kala ah Baay, Bakool iyo Gedo. Wadooyinkaan ciidamada is kaashanaya ay howlgalada ka sameeyeen ayaa la sheegay iney ku dhuumalaysanayeen xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab. War...
Maareeyaha guud ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ku dooneyso dib u howlgalinta Diyaaradii Soomaali Airlines. Maareeye Axmed Macalin ayaa tilmaamay iney soo gabagabeeyeen guddigii loo magacaabay ka shaqeynta dib u howlgalinta Soomaal Airlines waji koowaad,...
Maareeyaha guud ee hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Fedaraalka ay wado qorshe garoon diyaaradeed cusub looga dhisayo magaalada Muqdisho. Maareeyaha hay'adda Duulista Rayidka ayaa sheegay in garoonka cusub laga dhisi doono Ceel macaan, islamarkaana loogu talo galay inuu fududeeyo ciriiriga iyo saxmada...
Wafdi aad u balaaran oo uu hoggaaminaayo Ugaaska Beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaaliif ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Maxaas ee gobolka Hiraan. Boqolaal dadweyne ah oo isaga kala yimid dhamaan degmooyinka iyo deegaanada gobolka Hiiraan iyo meelo ka baxsan gobolka oo Maxaas u joogay...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hoobiyaal ah oo Xalay saqdii dhexe kooxda Al-shabaab ay ku qaaday Saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Xudur ee gobolka Bakool. Ku dhawaad 10 hoobiye ayaa la sheegay in kooxdu ay ku garaacday saldhiga ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur, sida ay xaqiijiyeen qaar...
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu magacaabay hogaanada talisyo cusub oo ka mid noqonaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Magacaabista talisyadaan ciidan ayaa la sheegay iney ku timid soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur. Talisyada cusub ee lagu kordhiyay ciidanka xoogga dalka oo ka kooban...
Wakaaladda wararka dalka Qatar QNA ayaa baahisay in Amiirka dalkaasi Qatar Amir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani inuu kulamo gooni gooni ah uu khadka Talefanka kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaaraha dalka Itoobiya  Abiy Axmed. Wakaaladda wararka dalkaasi Qatar ma bixin faahfaahino la xariira waxa...
 Afhayeenkii hore madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa), ayaa beeniyay dowladda madaxweyne Farmaajo inay qorshaynaysay in qabuuraha Iskuul Buulisiya loo beddelo hotelo ganacsi, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga. Cabdirashiid Xaashi oo haatan ah afhayeenka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hadalka wasiirka Gaashaandhigga ku tilmaamay mid been abuur...
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Shalay galinkii dambe kulan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha Mareexaan iyo Dir oo Sabtigii lasoo dhaafay uu dhexmaray dagaal ay isaga dileen ku dhawaad 100 ruux. Madaxweyne Qoorqoor ayaa labada dhinac ugu baaqay gogol nabadeed oo lagu dhameynayo colaada u dhaxeysa,...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Xalay ku dhexmaray deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland oo dhinac ah iyo  kooxda Al-shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Buulo Xaaji oo laba maalin ka...