Maxkamad kutaala dalka Kenya ayaa ku xukuntay Jackton Jacob Kanoti oo loo yaqaan Abdul Hakim soddon sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha ISIS iyo Alshabaab.
Ninkaan ayaa lagu qabtay degaanka Siaya isagoo watay agab iyo macluumaad la xiriira afkaarta xagjirnimada, sida muuqaalo ka sheekeynaya howlaha...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Norway ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas u jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo khuseysay xaalada guud ee dalka.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga, Siyaasadda, Horumarka dalka, Dastuurka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ay kaabiga ku hayaan degmada Badhaadhe.
Ciidamada iskaashanaya ayaa qorsheynaya sidii ay ula wareegi lahayeen gacan ku heynta degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ku haysay mudooyinkii dambe Al-shabaab.
Wararka ayaa...
Militariga Mareykanka ayaa is fogeeyay masuuliyada dil loo geystay laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba oo ku jiray gacanta kooxda Al-shabaab.
Kooxda Al-shabaab ayaa horay u shaacisay in labada dhaqtar ay ku dhinteen duqeymo uu Mareykanka ka geystay 15-kii bishii Febraayo ee sanadkaan 2024 deegaano hoostaga degmada Jilib.
Taliska Mareykanka...
Dooni ay saarnaayeen 260 tahriibayaal ah oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa ku degtay xeebaha dalka Yemen Isniintii, waxaana ku dhintay ugu yaraan 49 qof, halka 140 kalena waa la la'yahay, sida ay sheegtay hay'adda socdaalka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay Salaasadii.
71 qof ayaa ka badbaaday doonida degtay,...
Nawaaxiga Degmada Ceeldheer ee Gobolka Gaguduud oo Laga Helay Meydadka Xubno Ka Tirsanaa Al-shabaab.
Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo labadii maalin ee lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka waday deegaanada hoostaga magaalada Ceeldheer ayaa soo bandhigay meydadka xubno hor leh oo ka tirsan Shabaabkii weeraray Sabtigii Ceeldheer.
Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay...
Ehelada darawal mooto bajaajle oo lix cishe ka hor ay dileen ciidamada amniga ee magaalada Garowe, ayaa waxay ka cabanayaan in aysan helin wax caddaalad ah, iyagoo dhinaca kale diiday in la aaso maydka.
Maydka ayaa sidoo kale loo diiday in la galiyo talaagadda qaboojiyaha isbitaalka guud ee Garowe, waxayna...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si rasmi u shaacisay iney u baahantay dhulka qabuuraha Iskuul Buluusiya ee ku yaala magaalada Muqdisho.
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya, guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir iyo Culumaa'udiin oo tagay dhulka Qabuuraha Iskuul Buliisiya ayaa ku baaqay in...
Sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday in Xuutiyiinta Yemen ay ka wada hadleen sidii hub loo siin lahaa kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee al-Shabaab, iyadoo dowladda Maraykan ay ku tilmaamtay arrin welwel leh oo halis gelinaysa xasilloonida gobolka oo markii horeba rabshado ay ka socdeen.
Saraakiisha ayaa hadda baadigoobaya caddeymo muujinaya in...
Puntland ayaa codsi degdeg ah u dirtay Saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, iyagoo u gudbisay codsi ku aaddan in si caddaalad ah loo qaybiyo taageerada bani'aadantinimo, midda Horumarinta iyo taageerada Miisaaniyadda Soomaaliya.
Puntland waxay walaac xooggan ka muujisay inay dowladda federaalka Soomaaliya siyaasadayn xooggan ku sameysay kaalmada deeq-bixiyayaasha caalamka,...


















