Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Soomaalida in ka bixitaanka ciidamada ee dalka aysan u horseedi doonin qalqal amni.
Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ururka Midowga Afrika uusan ka tagi doonin Soomaaliya xitaa iyadoo howlgalka Midowga Afrika...
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa Xalay duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay deegaano ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.
Duqeynta dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo watay gaadiid isugu jira kuwa...
Maxamed Suufi rasaas oo la sheegay inuu kamid ahaa burcad badeeddii weerartay Markabkii MV Abdalla, kana mid ahaa ragii lacagta madax furashada ka qaatay markabkaas, ayay ciidanka booliiska Puntland gacanta ku dhigeen.
Ciidanka booliiska oo sheegay inay la socdeen xogta Maxamed Suufi Rasaas, ayaa sheegay inay ku qabteen magaalada Garawe...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ku celiyay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay wada hadal iyo wada xaajood la gasho kooxda Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa hadalkaan ka sheegay, dood lagu casuumay oo ka dhacday magaalada Oslo ee dalka Norwaay, wuxuuna sheegay, Alshabaab inay...
Duqa degmada Garowe, Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi ayaa ku amray dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garowe inay si degdeg ah uga baxaan, haddii kale in tallaabo laga qaadayo.
Geeddi wuxuu sheegay, in la joogo waqtigii magaalada Garowe laga saari lahaa Itoobiyaanka sharci darrada ku jooga, isagoo ku hanjabay ciddii...
Guddoomiyaha Ururka Hillaac Prof: Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Somaliland anay dadaalkii loo baahnaa galin aqoonsi raadinta.
Samatar oo hadal u jeediyay ardayda Jaamacada New Generation ee Hargaysa, ayaa sheegay in anay jirin doodo cilmiyaysan oo qoran si adduunka loogu qanciyo waxa ay Somaliland tahay.
"Aqoonsi Somaliland usoo socdaa ma...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciida Carafo oo maanta Muslimiinta Caalamka si weyn ugu dabaal dagayaan farxada Ciida.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee Alle wax siiyay iney garab istagaan walaalahooda kale ee danyarta ah ee aan awoodin...
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni ayaa caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu dowladda Federaalka Soomaaliya la furo wada xaajood toos ah oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dowlad dhiska dalka.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay, in khilaafaadka siyaasiga ah looga gudbi karo wada hadal ku salaysan wadar oggol, iyadoo...
Ku dhawaad 2 Milyan oo Xujaay Muslimiin ah ayaa Maanta taagan buurta Carafo oo ku taala magaalada Makka ee dalka Sacuudi Carabiya.
Muslmiintaan ayaa buurta Carafo u taagan gudashada waajibaadka maalinta Carafo oo ah rukniga ugu weyn ee Xajka.
Xujaaydaan ayaa burta kasoo dagi doonaan marka la gaaro Salaadda Duhur oo...
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tallaabo aan wanaagsanayn ku tilmaamay go’aanka ay dowladda Soomaaliya usoo faagayso qabuuraha Iskuul Buuulisiya.
Madaxweyne Deni oo maanta hortagay baarlamaanka Puntland, ayaa ku baaqay in go’aankaas dib loo eego, loona dhimriyo bulshada. Wuxuu sheegay in lagu jiri waqti adag oo ay dadku...


















