Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa ka digay kooxda Alshabaab in ay weli tahay khatar xooggan.
James Swan, ayaa xusay in dowladda Soomaaliya looga baahan ahay in ay muhiimad gaar ah siiso amniga xilliga kala guurka ah.
“Al-Shabaab waxaa weli ka...
Ciidanka ATMIS ayaa Saldhigii ay ku lahayeen deegaanka Cabdalle Biroole ee gobolka Jubbada Hoose ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Xaflad kooban oo lagu qabtay gudaha xeradaas ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka kala socotay dowladda Fedaraalka, maamulka Jubbaland iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan xubnaha...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka qayb galay Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Shalay galinkii dambe ku geeriyooday hoyga uu ka daganaa magaalada Muqdisho.
Allah u naxariiste Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Salaada Janaasada...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay jabhad uu sheegay in ay isku urursanayso guddaha dalka Jabuuti.
Muuse Biixi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in jabhad sheeganaysa in ay xoraynayaan gobolo Somaliland kamid ah ay Jabuuti hoy u noqoto, isaga oo ku tilmaamay wax lala...
Taliska ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay noqon karaan kuwo door adag ka cayaara si looga fogaado in Shabaabku dib ugu soo laabtaan gacan ku heynta degaanadii laga saaray, marka ciidamada Midowga Afrika ay ka baxaan dalka dhamaadka sanadkan.
Gen Michael Langley, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom)...
Wafdi ka kala socday Puntland iyo Galmudug, ayaa ku guulaystay in xabbad joojin lakala dhex dhigo labo maleyshiyo beeleed oo ku dagaalamay degaanka Jiicboor ee Galbeedka gobolka Mudug, dagaalkaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca ku dhawaad 50 qof.
Wafdiga ayaa maalin ka hor gaaray goobihii dirirtu ka dhacday ee duleedka...
Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho aas Qaran loogu sameeyo Allah u naxariistee guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddiga Aaska Qaran ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Guddigaan...
Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku geeriyooday Allah u naxariiste guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Marxuumka ayaa la sheegay in maalmahii laso dhaafay uu xanuunsana, islamarkaana xanuunkaas uu u geeriyooday, walow aanan wali shaacin xanuunka uu u geeriyooday Prof Jawaari.
Masuuliyiin...
Wararka naga soo gaaraya Galbeedka gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta xaalad daganaasho aan caga buuran ku taagneyn ay ka jirto deegaanadii Shalay ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda beelaha Sacad iyo Leelakase.
Labada Maleeshiyo beeleed ayaa Shalay ku dagaalamay deegaano hoostaga Goldogob iyo Saax qurun,...
Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixisay eedeyn dhawaan ay u gudbisay dowladda Soomaaliya Qaramada Midoobay, taasoo la xariirtay in ciidamo Itoobiyaan ah si sharci daro ah u soo gudbeen dhulka Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Nebyu Tedla ayaa eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah in ciidan...


















