Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cali Maxamed Cumar Cali Balcad u magacaabay inuu noqdo u qeybsanaha arrimaha xiriirka Bulshada Bariga Afrika.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Raysal wasaare Xamse ee lagu magacaabay wasiir Cali Balcad ayaa ku taariiqeysan...
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu soo diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya.
Qaraarkan ayay dowladdu sheegtay in looga gaashaamanayo khataraha halis galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.
Xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in qaraarkan uu...
Warsaxafadeed kasoo baxaya maamulka Galmudug ayaa loogu baaqay in si sharuud la'aan ah ku joojiyaan dagaalka beelaha ku dagaalamaya galbeedka gobolka Mudug.
Galmudug ayaa sidoo kale warsaxafadeedka ku sheegtay in dhankeeda ay u dirtay goobaha lagu dagaalamayo guddi ka kooban Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka shaqeynaya nabadeynta colaada...
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saakay uu halkaas dib uga qarxay dagaal beeleed xoogan oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda beelaha Sacad iyo Leelakase.
Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeeya labadaan maleeshiyo beeleed inuu ka qarxay sadax...
Dowlada Itoobiya ayaa beenisay warar sheegaya in ay ka laabatay heshiiskii is afgarad ee ay horaantii sannadkan la gashay Somaliland.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa bulshada loogaga digay wararka been abuur ka ah ee laga faafinayo heshiiska.
"Xafiiska Raysal Wasaaruhu waxa uu dadwaynaha kula talinayaa...
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha cusub ee dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard H. Riley oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo quseeya labada dowladood.
Raysal wasaare Xamse iyo Danjire Richard ayaa ka wada hadlay danaha labada dal iyo...
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Howlgalka ayaa ciidamadu waxay si gaar ah ugu fuliyeen deegaanka Cali cadhoole oo qiyaas ahaan dhanka Waqooyi uga beegan Ceeldheer 33 KM, halkaas...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay inuu diyaar u yahay inuu xilkiisa madaxweynimo uga tago midnimada Soomaaliya iyo celinta gobolada waqooyi ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlayay xuska 64-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobolada waqooyi ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaano...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay ka go'antahay in isfahankii badda loo badalo heshiis rasmi ah.
Biixi oo hadal ka jeediyay munaasibada xuska maalinta xornimada ee 26 Juun, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay labada ka go'antahay in ay fuliyaan heshiiska oo uu...
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya inay si sharci darro ah ku soo galeen xuduudka Soomaaliya taasoo keentay inay iska hor imaad la galaan ciidamada ammaanka ee deegaanka.
"Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa sida ay uga go'an tahay inay ixtiraamto mabaadi'da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo...


















