Thursday, August 13, 2026
 Somaliland ayaa soo bandhigtay caddaymo ay sheegtay in ay muujinayaan jiritaanka jabhad ka dhan ah jiritaankeeda oo ku sugan dalka Jabuuti. Kadib markii ay dowlada Jabuuti gabi ahaanba beenisay jiritaanka dhaqdhaqaaq ka dhan ah Somaliland oo dalkeeda ku sugan, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed 'Cali Mareexaan' ayaa soo bamdhigay...
Hantidhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay baaris ay ku sameeyeen laba xafiis oo ka mid ah hay'adaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya. Guutaale ayaa sheegay in baaris fatash ah oo lagu sameeyay xafiisyada ruqsada shaqada shaqaalaha shisheeyaha ee...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dowladda ay wadahal kula jirto kooxda Al-shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in waqtigaan la joogo dowladda aysan wax wadahal ah kula jirin Al-shabaab, islamarkaana ay suurtagal aheyn in kooxdaas oo mudo 15 sano ah dagaalka kula...
Baarlamaanka maamulka Jubbaland oo maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ku yeeshay kulan xasaasi ah oo ka mid ah Kalfadhiga 5-aad ee Golahaas ayaa u codeeyay wax ka badalka qodobo ka mid ah Dastuurka maamulkaas. Baarlamaanka Jubbaland ayaa kulankooda qodobada ay wax ka badalka ku sameyeen waxaa ka...
Wajigii koowaad ee wada hadalada Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, iyadoo aysan jirin qodobo heshiis looga gaaray khilaafka labada dal ee arrimaha badda. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Taye Aske Selassie iyo dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa isku afgartay in ay mar...
Jamhuuriyada Jabuuti ayaa markale iska fogaysay in ay martigalinayso jabhad ka dhan ah jiritaanka Somaliland. Qoraal kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Jabuuti ayaa lagu sheegay in ay Jabuuti ku suntantahay wada noolaanshaha iyo ilaalinta waddamada ay jaarka la tahay. "Siyaasada Jamhuuriyada Jabuuti waxay ku dhisantahay isxaqdhawr iyo wada noolaanshaha dowladaha iyo umadaha...
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoor Qoor ayaa ku eedeeyay kooxo dano siyaasadeed wata inay ka dambeeyaan hurinta dagaaladii maalmahan gobolka Mudug ku dhex marayay maleyshiyo beeleed kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug. Madaxweynaha Galmudug waxa uu sheegay dadka siyaasadda ka dhex raadinaya colaadda beelaha walaalaha ah, in ay ka darran...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin aha oo galinkii dambe ee Shalay ka dhacay bar koontarool oo ku taala xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne. Qaraxaan ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo Soomalidu u taqaano noociisa Homey ama Caasi, waxaana...
Waxaa saakay xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kadib hab maamuus aan horay loo arag oo ay ku xuseysa dowladda Soomaaliya munaasanada 1-da Luulyo oo ah markii gobolada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga, islamarkaana ay la midoobeen gobolada Waqooyi ee haatan la baxay Somaliland. Ciidamo...
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo wafdiga la socda ayaa maanta u ambabaxay Turkiga, halkaasoo ay uga qeyb galayaan wada hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay gar wadeen ka tahay dowladda Turkiga. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay, in Dowladda Soomaaliya ay ka...