Thursday, August 13, 2026
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku ammaanay dowladda Turkiga kaalmada ay siiso Soomaaliya in ay tahay kaalmo aan dano gaar ah laga lahayn. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Turkigu yahay waddanka kaliya ee taageero muuqata ka geystay Soomaaliya. Waxa uu sheegay taageeradiisa in ay tahay mid aan...
Saraakiil ciidan oo ka socday Howlgalka Ilaalada badda ee Midowga Yurub, ayaa kulan xeebta magaalada bosaaso kula qaatay saraakiil katirsan ciidanka booliiska Puntland. kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista wada shaqaynta iyo is xog-isweydaarsiga u dhaxeeya Booliiska Puntland iyo ciidamada badda yurub ee EU NAVFOR. Ujeeddada kulanka ayaa ku...
Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al Sisi ayaa sheegay in dalkiisu uu si buuxda uga go’an yahay in uu taageero dadaallada amniga Soomaaliya. Madaxweyne Sisi, waxa  uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la ixtiraamo madax banaanideeda iyo madax banaanideeda. Isagoo khadka taleefoonka kula hadlayay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Sisi...
Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Axmed ayaa sheegay in aan loo baahneyn in  Soomaaliya ay ku wareegto dalalka deriska iyo kuwa kale, iyadoo ka dacwoonaysa faragalin ay Ethiopia ku hayso midnimada Soomaaliya. Abiy Ahmed oo maanta la hadlayay baarlamaanka dalkiisa, ayaa  wuxuu sheegay, in hal saac lagu dhameyn karo khilaafka...
Weerarada kooxaha Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto ka geysanayaan badda cas ayaa fursad u noqotay kooxaha burcad badeeda Soomaalida, iyadoo burcad badeedda tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan, sida uu sheegay taliyaha howlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub. Xuutiyiinta Yemen ayaa sanadkii hore bilaabay inay weeraraan maraakiibta ku...
Wararka ka imaanaya Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in gobolka Doollo gaar ahaan degmada Wardheer ay ku dagaallameen labo beelood oo walaalo ah, dagaalkaas oo keenay khasaare Nafeed sida ay sheegeen dadka degaankaas oo Warbaahinta lasoo xidhiidhay. Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad Degaanka Soomaalida Abdiqaadir Rashiid oo lahadlay BBCda...
Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa markale shaaca ka qaaday iney qaadaneyso 3,000 oo Macalimiin ah oo ka shaqeyn doona horumarinta Waxbarashada Soomaaliya. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa warbaahinta u sheegtay  in mar kale Wasaaraddu fusad muhiim ah siineyso Macalimiinta Soomaaliyeed ee ku sugan...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaas kulan kula qaatay waxgaradka deegaankaas. Madaxweynaha ayaa deegaankaan u tagay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ayaa Odayaasha deegaankaas kala hadlay sidii...
Raysal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay, dowladda Ethiopia inay raadinayso taariikh qaldan oo ujeedkeedu yahay dhul raadis. Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay, Ethiopia in aysan u socon Bad iyo maalgashi ay ka sameysato dekedaha Soomaaliya, balse ay doonayso inay qaadato qeyb kamid ah dhulka Soomaaliya. “Ujeedka Ethiopia...
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan oo Xalay shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Doonka oo ka mid ah deegaanada u dhaxeeya magaalooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolka Sh/Hoose ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalo ciidamada kusoo furteen gaadiid ay madax furasho u haysteen kooxda Al-shabaab. Wuxuu sheegay sidoo kale Afhayeenka...