Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in loo diyaar garoobo difaaca Somaliland iyo doorashooyinka mudaysan 13 November.
Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirada Somaliland yeesheen oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray go'aamo ay kamid yihiin difaaca Somaliland iyo qabashada doorashooyinka.
"Goluhu wuxuu caddeeyey in...
Hanti dhowrka guud ee Puntland ayaa ku amray shakhsiyaadka gacanta ku haya gaadiidka dowladda inay soo wareejiyan, ka hor inta aan tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadin. Hadalkan ayaa wuxuu daba socdaa baaritaan lagu sameeyay gaadiid badan oo maamulku leeyahay oo la la'yahay.
Bishii hore, baabuur uu maamulku leedahay ayaa la...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay sadax ruux oo Soomaali ah oo ka dhacay xaduuda ay wadagaan dalalka Kenya iyo Uganda.
Dilka sadaxdaan ruux ee Soomaalida ah iyo dhaawac 7 ruux oo kale ayaa waxaa geystay dad careysnaa oo dilka Muwaadiniinta Soomaaliyeed u adeegsaday Seefaf iyo budad.
Sadaxda...
Hogaamiyaha kooxda Daacish Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin, ayaa la ogaaday inuu nool yahay oo uu ka badbaaday duqayn cirka ah oo uu Maraykanku la bartilmaameedsaday 31-kii May ee sannadkan.
Ilo xog ogaal ah oo katirsan hay'adaha Puntland ayaa u sheegay Warbaahinta Qaarkeed, in hoggaamiyaha Daacish uu weli ku sugan yahay goob...
Wafdigaan oo uu hoggaaminaayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta gaaray magaalada Luuq ee gobolka Gedo oo maalmahii lasoo dhaafay ka dhaceen dagaal beeleed khasaare geystay.
Wafdiga madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Jubbaland, waxaana garoonka diyaaradaha degmada Luuq si...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa kormeer ugu tagay cutubyo katirsan ciidanka Cirka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaya xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya (EAF) ee magaalada Asmara.
Madaxweynaha ayaa kadib u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, isagoo warbixinno ka dhageystay qaar ka...
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dagaal beeleedyada ka dhacay gobolka Mudug ay ka dhasheen barakac baahsan iyo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac afartii bilood ee la soo dhaafay.
UNHCR ayaa xustay in xaaladdu ay beryahan dambe aad u...
Qaabka Loola Dhaqmey Dadkii Degenaa Xeradii Dabdemiska Waa Mid Meesha Ka Saaraya Wadaniyad,Xoriyad,wadajir iyo Soomaalino waana inta Qofka Soomaaliga ahi Shinsado ama ku Taamo dadka u bareeray ama ku kacey Falkaas isagoo xeerin inta aan soo sheegnay waa xaqiiq in uu dhadhamin doono miraha iyo macaanka ka soo baxa...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eretariya.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyn kadib waxaa loo...
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa aroornimadii hore ee Saakay ku jarmaaday Xaafada Dab damiska ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka wadaan fulinta amar dhulkaan looga saarayo dadka dagan.
Ciidamada ayaa lasoo warinaya in halkaasi ka bilaabeen burburinta gurayaha ku yaala Xaafada Dab damiska oo ay u...


















