In Ka Badan 70 Urur Siyaasadeed Haysta Shahaado ku meel gaar ah oo Maanta Ku Midoobey Dalad kulmisa.
Kulan ay Maanta Yeesheen ku Dhawaad 75 Ururo Siyaasadeed Haysta shahaadada kmg ee heerka koowaad ee Axsaabta Siyaasadda Dalka ayaa maanta ku Midoobey Dalad kulmisa oo leh Xeer Hoosaad ay ku Dhaqmaan kaas oo dhamaan Ururadii shirka kasoo qeyb galey loo Qeybiyey Nuqul Xeerka Dalladda ah kaas oo Qeexaya...
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi Axmed iyo dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha dalka Masar Dr. Badr Abdelatty ayaa maanta oo Jimco ah magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah furay khad duulimaad toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in ciqaab adag uu la kulmi doono qof walba oo xiriir wicitaan ah la sameeyo qof shabaab ah, xata hadii ay ehel ama qaraabo yihiin.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay iney dambi tahay la macaamilka dadka ku jira...
Guddiga xal u helista dagaal beeleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa soo saaray qodobo la xariira xal u helista dagaaladii dhiiga badan uu ku daatay ee degmada Luuq ku dhexmaray todobaadkii lasoo dhaafay laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada dega.
Xubnaha Guggiga oo ay horkacayaan Madaxweyne ku xigeenka koowaad...
Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay Somaliland kala hadashay in wixii khilaaf gobolka ka taagan lagu dhameeyo wadahadal, iyo in doorashada wakhtigeeda lagu qabto.
Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley, oo kulan Khamiistii la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii khilaafaadka gobolka wadahadal loogu...
Shirkadda duulimaadyada dalka Masar ee EgyptAir ayaa bilaabi doonta duulimaadkeedii ugu horeeyay ee Qaahira iyo Muqdisho maalinta Jimcaha ah ee todobadkan, taas oo loo arko tallaabo muhiim ah oo ku saabsan istaraatiijiyada shirkaddu isugu fidinayso Bariga Afrika.
Diyaarad nuuceedu tahay MS873 ayaa kasoo amba bixi doonto magaalada Qaahira saacaddu markay...
Dawladda Maraykanka ayaa meesha ka saartay warar sheegaya in ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer uu bogaadiyay heshiiska muranka dhaliyay ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, kaddib socdaal uu dhawaan ku tagay magaalada Addis Ababa.
"Wararka ku saabsan hadal la sheegay in uu ka soo...
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow oo katirsan golaha shacabka ee aqalka Hoose ayaa su’aal galiyay sida loo maamulo lacago bil kaste laga jaro xildhibaanada golaha shacabka, taasoo uu sheegay in aanay jirin wax lagu qabtay.
Xildhibaan Macalimow ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X, waxa uu ku sheegay, in la joogo...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in sadax caruur oo walaalo ah ay ku geeriyoodeen miino kula qaraxday deegaan hoostaga magaalada Xeraale.
Miinada ayaa la sheegay in caruurta walaalaha ah ee geeriyootay ay ku cayaraayeen ka hor inta aysan la qarxin, waxaana caruurta ay kala ahayeen laba wiil...
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ku qaabilay taliyaha dowladda Maraaykanka u qaabilsan hawlgallada gaarka ah ee bariga Afrika, Kornayl David Haskell, kaas oo booqasho ku tagay Kismaayo.
Kulanka dhexmaray labada masuuul ayaa lagaga hadlay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubbaland iyo tageerada dhinaca amniga ee Maraykanka ee la xiriira dagaalka...


















