Guddi loo xilsaaray nabadaynta colaadda degmada Luuq ayaa soo saaray go’aamo nabadeed oo lagusoo afjarayo colaaddii u dhaxaysay saddex beelood oo wada degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo katirsan guddiga nabadaynta loo xilsaaray, ayaa sheegay in beelaha dagaalamay mid kaste lagu...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin.
Hadalkaan ayuu raysal wasaaruhu ka sheegay, kaddib markii uu xalay ku booqday isbitaalka Erdogan qaar kamid ah shacabkii ku dhaawacmay weerarkii Shabaabku ka...
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah waxay xukun ku ridday 7 dhallinyaro ah oo Tiktoore ah, kuwaasi oo midkiiba lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah.
Dacwad dhameysatay heerarkeedii ayaa eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal hablood, waxaa 7 ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi...
Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Ururka Kaah ee Somaliland ayaa saaka magaalada Hargaysa ku kala saxeexday heshiis rasmi ah oo iskaashi.
Dhinacyada ayaa ku heshiiyay in taageerayaasha Kaah u codeeyaan musharraxiinta Waddani ee madaxtooyada isla markaana, Kaah saami laga siiyo xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro, soo dhisayo haddii uu guullaysto.
Waxa kale...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laamaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii Shabaabku ku qaadday xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saakay oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shacab ah oo safar ahaa aya ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa haleelay gaari noociisu Soomaalida u taqaano...
Orodyahanka reer Canada Moh Ahmed, oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa ku dhameystay kaalinta afaraad tartanka Olombikada ee ka socda Paris.
Axmed ayaa ku orday 26:43.79, isagoo wax ka yar ilbidhiqsi ka hoos maray orodyahanka bilada dahabka ah ee Joshua Cheptegei oo u dhashay Uganda, kaas oo dhigay rikoorka...
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan oo goordhaw shir jaraa'id ugu qabtay warbaahinta gudaha magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Xalay kooxda Al-shabaab ku qaaday xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.
Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid ku bilawday...
Qaraxyo is Daba Socdey ayaa Caawa lagu Weeraray Xeebta Liido oo Marti gelineysay Dadkii Nasashada Jimcaha ku jirey Taas oo Mar Qura isu Bedeshay Meyd iyo Dhaawac iyadoo aan ilaa Hada La Xaqiijin Tirada Dhimashada iyo Dhaawaca ka dhashey Qaraxyada.
Wararka Naga Soo Gaaraya Xeebta Liido ayaa Sheegaya in Dadkii...
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray shirweynihii labaad ee culuma’udiinka Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlay la-dagaalanka Alshabaab, dowladnimada Soomaaliya, gooni-isu-taagga iyo khataraha bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuux-nuux saday doorka muhiimka ah ee culimadu Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarka dalka....


















