Wednesday, August 12, 2026
Taliska ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ka howlgasha deegaanada gobolka Bakool ayaa soo saaray amaro ku socda dadka ku nool deegaanada ay ka socdaan dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Awaamiirta kasoo baxday taliska ciidanka xoogga ee gobolka Bakool oo ka kooban ilaa 6 qodob...
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa isaga hartay inay ka qeyb gasho doorashada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika. Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Aadan ayaanan kamid ahayn liiska afar musharrax oo isku diiwaan galiyay doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika. Sida aan xogta ku helayno, waxaa la sheegay inay...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi barre ayaa Xalay shir guddoomiyay shir deg deg ahaa oo golahiisa Wasiiradda kaga hadlayeen weerarkii khasaaraha badnaa ee kooxda Al-shabaab ka geysatay Jimcihii lasoo dhaafay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Xamse Cabdi Barre iyo Golahiisa wasiiradda ayaa ku dhawaaqay in Nus Milyan doolar...
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xalay deegaanka lagu magacaabo Oodan oo ku yaala bariga gobolkaas in lagu dilay laba nin oo Walaalo ahaa, islamarkaana sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen laba caruur ah iyo Hooyadood. Dilka iyo dhaawaca loo geystay dadkaan isku qoyska ah ayaa waxaa geystay...
Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay oo gubay boqollaal indho shareer ah oo ay xirnaayeen haweenka ku nool magaalada Kismaayo. Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha Al-Shabaab, kuwaasi oo looga shakisan yahay in ay u isticmaalaan Niqaabka inay ku qariyaan aqoonsigooda xilliyada ay weerarrada qaadayaan. Warsame...
Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris ay xaqiijisay taageerada 99% ergooyinka, si ay si rasmi ah ugu noqoto musharraxa madaxweynaha Maraykanka, ka dib markii la soo gabagabeeyay shan maalmood oo cod bixin online ah. Waxay noqotay haweeneydii ugu horeysay ee madow ah oo xisbigeeda...
Gen. Sam Kavuma oo u dhashay dalka Uganda ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS. Waxa uu bedelay Lt. Gen. Sam Okiding, oo bishii April ka tagay shaqada si uu u noqdo ku xigeenka madaxa ciidamada difaaca dadka Uganda (UPDF). Gen. Sam Kavuma oo...
Sida ay sheegayaan xogaha aan helayno, maxaabiis ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ku xukumnaa dil toogasho ah ayaa ka baxsaday xabsi kuyaala waqooyiga magaalada   Gaalkacyo ee maamulka Puntland. Maxaabiista baxsatay oo sugayay in lagu fuliyo xukun dil ah, kadib markii lagu helay dambiyo kala duwan oo isugu jira dilal iyo...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo lagu helay iney horay dilal ugu geysteen laba qof oo shacab ahaa. Labada nin ee toogashada lagu fuliyay maanta ayaa lagu kala magacaabi jiray Yaasiin Cismaan Colow iyo Dable Maxamed Cabdullaahi Siciid...
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay banaanbax aad u balaaran oo looga soo horjeeday weerarkii kooxda Al-shabaab ka geystay habeeno ka hor Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Dibadbaxaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuulyiin ka tirsan dowladda Fedaraalka iyo boqolaal ka mid ah dadka ku nool Muqdisho, kuwaas...