Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inuu dab xoogan saakay ka kacay Suuqa weyn ee magaaladaas.
Dabkaan ka kacay Suuqa weyn oo ku yaala xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ayaa lasoo warinaya inuu kusii faafayo qeybaha kala duwan ee ganacsiyada halkaas ku yaala.
Dadweyne aad...
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmi doona Ankara toddobaadkan si ay uga wada hadlaan khilaafka ka dhashay heshiiska ay la saxiixatay maamulka Somaliland sanadkan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.
“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay galaangal u yeelato badda...
Kooxo hubeysan ayaa Xalay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo Maaliyadda degmada Baledweyne Cabdisahal Shuuriye Xuseen.
Dilka guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Baledweyne Cabdisahal Shuuriye ayaa ka dhacay xaafada Xaawa taako, gaar ahaan laanta Kulanta abaare 11-kii Habeenimo ee Xalay, waxaana...
Maxkamadda Sare ee dalka Seychelles ayaa bartamaha bisha January ee sannadka 2025 u muddaysay dhegaysiga dacwadda lix qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin burcad badeedda Soomaalida.
Raggaan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerar burcad badeednimo oo tobankii bishii saddexaad ee sannadkan lagu qaaday markabka...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu jeediyay kaga hadalay arrimo badan oo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo cabashada la xariirta dhaqaale xumo oo maalmahan laga hadal haayay Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dheeraaday ka hadalka arrimaha doorashooyinka dalka...
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo isaga hartay tartanka loogu jiro doorashada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee lagu wado in sanadka soo socda la qabto ayaa taageero u muujisay Raysal wasaarahii hore ee dalka Kenya Raila odinga.
Kulan gaar ah oo magaalada Nairobi ku...
Somaliland ayaa xad-gudub ku tilmaantay warbixin ay BBC Somali Khamiistii kaga hadashay hoos u dhaca lacagta shilinka Soomaaliya, oo ay u isticmaashay sawir lacagta Somaliland ah.
Qoraal kasoo baxay wasaarada warfaafinta ayaa lagu yidhi "BBC Somali waxa ay xoortay anshaxii iyo milgihii saxaafadda ee jidaynayey dhexdhexaadnimada. taasi oo ku keentay...
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah meel mariyay Xeerarka Doorashooyinka iyo Xisbiyada siyaasadeed ee dalka, kuwaas oo ay sheegeen in lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in xeerarkaan ay dalka u horseedayaan in la gaaro doorasho qof iyo cod ah, si...
Lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa markale shaaca ka qaaday in waqtiga howlgalka ATMIS uu ku egyahay dhamaadka sanadkaan 2024, islamarkaana howlgal cusub oo waqti cayiman ah lagu badali doono.
Xuseen Macalin Maxamuud ayaa tilmaamay in howlgalka cusub ee waqtiga cayiman ah ay go’aamineyso dowladda Fedaraalka Soomaaliya,...
Midowga Afrika ayaa bilaabaya hawlgalka taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) Janaayo 2025, isagoo beddelaya howlgalka ATMIS ee hadda ka jira Soomaaliya.
Waxaa la sheegay in howlgalkan cusub uu taageero gaar ah ka heli doono dowladaha Masar iyo Jabuuti, kuwaasi oo ballanqaaday inay ciidamo ku taageeridoonaan (AUSSOM).
Hawlgalka cusub wuxuu ku soo...


















