Qaar ka mid ah Darawalada Mooto Bajaajyada ee ka dhex shaqeysta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go'aankii kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka ee ku aadana dhimista qiimaha lagu qaato leysinka iyo ganaaxa.
Wadayaasha Mooto Bajaajyada oo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa sheegeen in...
Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga dooday cabashada ka dhalatay go'aanka dowladda ee qaadista Canshuurta iibka.
Xildhibaanada ayaa ku kala qeybsana aragtida qaadista Canshuurta Iibka, kuwaas oo qaarkood dowladda ku taageeray in la qaado Canshuurto,...
Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa beeniyay hadal ka soo yeeray wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiqafaar Xasan Xaange, kaas oo ahaa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay lacag dhan $6 milyan ku shubtay qasnada Puntland.
Wasiirka Warfaafinta oo maanta weriyayaasha kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa sheegay,...
Maamulka SSC Khaatumo ayaa digniin culus u diray Somaliland ka dib markii ay Somaliland ku dhawaaqday dagaal ay ku doonayso inay dib ugu soo ceshato gobolka Sool.
Wasiirka Warfaafinta ee SSC Khaatumo, Najiib Barkhad Warsame ayaa sheegay in ciidamadoodu ay awood buuxda u leeyihiin inay ka jawaabaan duulaan kasta oo...
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u soo saaray go'aano laga gaaray cabashada Darawalada ku shaqeysta Mooto Bajaajyada ee la xariirtay lacagta lagu qaadanayo leysinka wadista gaadiidka.
Go'aanada kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa yimid kadib markii laba maalmood oo...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo taliska bariga ee Oog kula hadlayay ciidamada millateriga, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku kacday falal lagu burburinayo Somaliland.
Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay isku dayday in ay dab ka shido gobolka Awdal, halkaasi oo uu sheegay in la doonayay...
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa cambaareeyay hadal uu bartiisa X kusoo daabacay safiirka UK ee Soomaaliya, kaasoo uu Soomaaliya iyo Somaliland uga dhigayay labo waddan.
Wasiirka ayaa sheegay hadalka safiirka UK kasoo baxay inuu yahay mid aan sinaba loo aqbali karin, isla markaana weerar qaawan...
Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale si adag uga hadlay damaca iyo xadgudubka dowladda Itoobiya ee ku aadan helista qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya iyo sababahii keenay in la isku fahmi waayo wadahadaladii natiijo la'aanta kusoo dhamaaday ee ku dhexmaray labada dal magaalada...
Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda General Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay Madaxweyne Museveni ayaa Mareykanka ka dalbaday magdhow dhan $100bn oo ah khasaaraha ciidamada Uganda ka soo gaaray Soomaaliya.
Maxamed El-Amine Souef, oo ah wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa u sheegay VOA-da in...
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ayaa ugu baaqay guddoomiyaha baarlamaanka in ajandaha baarlamaanka lagu soo daro cabashooyinka canshuuraha ay soo rogtay wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo sababay mowjado mudaharaadyo ah oo ay sameeyeen Bajaajlayaasha magaalada Muqdisho.
Soo jeedinta rasmiga ah ee loo jeedinayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa waxay Xildhibaanadu u cuskadeen qodobka 25-aad, farqadiisa...


















