Wednesday, August 12, 2026
Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa si degdeg ah u codsanaysa $18.5 milyan si loo xakameeyo faafitaanka cudurka mpox ee ka sii daraya guud ahaan Bariga, Geeska, iyo Koonfurta Afrika. Lacagaha waxaa loo isticmaali doonaa in lagu bixiyo adeegyo caafimaad oo muhiim ah oo la siiyo bulshooyinka nugul,...
Hogaanka sare ee maamulka SSC Khaatumo ayaa si adag u cambaareeyay safar maalmahii lasoo dhaafay uu madaxweynaha Somaliland ku marayay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag. Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka Khaatumo ayaa lagu sheegay in safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu yahay mid daandaasi iyo colaad cusub uu kaga hurinayo...
Waxaa banaanka u soo baxay khilaaf hareeyay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya oo u dhaxeeya sadaxda masuul ee Wasaaraddaas oo kala ah Wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru dowlaha, kuwaas oo isku khilaafsan maamulista wasaaradda Qorsheynta. Khilaafka iyo is qabqabsiga u dhaxeeya masuuliyiinta oo la tilmaamay inuu mudo si hoose u soo...
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag ugu eedeeyay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed isku dayo uu geeska Afrika ka hurinayo colaad uu kaga leexinayo caqabadaha ka jira gudaha dalka Itoobiya. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya mowqif adag ay ka taagan tahay khatar kasta...
Wasaaradda amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilowday howlgal lagu burburinayo isbaarooyinka sharci darro ah oo yaalay inta u dhaxeysa Balidoogle iyo Yaaq Bari Wayne oo katirsan gobolka Shabeeladda Hoose ee maamulkaas. Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan C/qaadir Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in maamulku uu si rasmi ah u mamnuucay...
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa go’aan kusoo saaray in dhammaan dakhliga dowladda si gaar ah loogu shubo khasnadda laga maamulo hantida dowladdae ee Single Account (TSA), taasoo xoojinaysa hufnaanta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya. Qaraarka ayaa mamnuucaya in lagu shubo ama...
https://youtu.be/2tZUBLKBp_g   KU:    Warbaahinta Gudaha iyo Debedda, KU:    Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre. KU:    Barlamaanka Golaha Shacabka. KU:    Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo D/u/heshiisiinta. KU:    Barlamaanka Aqalka Sare. KU:    Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka. KU:    Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobey UNSOM. UJEEDO: Cabasho iyo Soo Jeedin La Xiriirta Wax ka Bedelka Xeerarka               ...
Qaar kamid ah Xubnaha labada aqal ee baarlamaanka ee kasoo jeeda Puntland, ayaa walaac xooggan ka muujiyay in dowladda Federaalka ay is-hortaag ku hayso mashaariicda horumarineed ee iyo deeqaha caalamiga ah ee loogu talagalay Puntland. Warsaxaafadeed ay si adag u soo saareen Xildhibaanada Puntland ayaa waxay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka...
Madaxweyne Ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya Aadan Faarax Ibraahim oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka falceliyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo Madaxweynuhu ku sheegay in Itoobiya ay lid ku tahay qaranimada Soomaaliya. Aadan Faarax ayaa sheegay in Dowladaha...
Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa ku jirta murugo kaddib markii saddex ganacsade Soomaali ah lagu dilay jimcihii weerar  ka dhacay deegaan ku yaalla duleedka Cape Town, South Africa. Lix muwaadin oo Soomaali ah oo kale ayaa si xun loogu dhaawacay toogashada, taas oo ka dhacday waddada...