Itoobiya ayaa ka dhawaajisay walaac ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) una guuri doona howlgal cusub oo taageero nabadeed, taasoo muujineysa sida ay sheegtay Ethiopia, khatarta ka dhalan karta xasilloonida gobolka.
Itoobiya waxay hoosta ka xariiqday inay ka walaacsan tahay hannaanka...
Kulanka Todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaalada guud ee dalka, heshiis ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha iyo waliba magacaabista masuul cusub.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Saalax Axmed...
Shirkadda Favori oo maamusha adeegyada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa walaac ka muujisay in hay'adda duulista Soomaaliya ay fara galin ku hayso xuquuqdeeda gaarka ah oo ay ku ururiso dhammaan kharashaadka socdaalka ee garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, ka dib markii ay dhawaanahan soo baxeen warar ku saabsan...
Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xiray askari boolis ah oo muuqaal iska soo duubay isagoo xad-gudub ku sameynaya dadka degmada Dharkenley ee Mogadishu.
Muuqaalka ayaa muujinaya askariga oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Warsame oo qori ku fiiqaya dad waddada maraya. Warsame ayaa ku dooday in uu muuqaal iska duubayay.
Taliska...
Labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka Masar oo siday shaqaale iyo qalab ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taasoo muujineysa tallaabadii ugu horeysay ee uu qaaday heshiiska iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar.
Imaatinka diyaaradda C-130 ayaa daba socotay kulan labo todobaad ka...
Xukuumada Somaliland ayaa dowladda Soomaaliya ku eedaysay in ay gacan ku leedahay xiisada ka taagan gobolka Sanaag.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta, Mustafe Cabdi Ciise 'Shiine', oo warbaahinta la hadlay, ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay xasarada ka aloosaan gobolka Sanaag.
"Sidaad la socotaan Somaliland waxay u jihaysatay in ay qabato doorashooyinkii...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro loo adeegaaday qaraxyo bambaanoyin ah oo Xalay kooxda Al-shabaab ka geysatay xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Bambaabooyinka oo ahaa nooca gacanta laga tuuro ayaa kooxda Al-shabaab ay ku weerartay guryo ay dagan yihiin saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed...
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa qabtay hub ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado is-miidaaminta, kuwaas oo aan horay loogu arkin gudaha dalka.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale xiray toddobo qof oo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin al-Shabab ama Daacish, kaddib howgallo lagu baaray kolonyo gaadiid...
Hay’adaha ammmaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay ku dhawaad 10 qof oo la sheegay inay katirsan yihiin kooxda Alshabaab, kuwaas oo laga qabtay gudaha magaalada Garowe, sida Warbaahinta uu u xaqiijiyay sarkaal amni.
Raggaan ayaa la qabtay kaddib markii hay’adaha sirdoonka Puntland ay heleen macluumaad ku saabsan in shabakad katirsan...
Guddiga gurmadka qaran ee qaraxii xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa shalay deeq lacageed gaarsiiyay qoysaska dadkoodii ku dhinteen weerarki kooxda Al-shabaab ka geysatay xeebta Liido 2-dii bishaan Agoosto.
Lacag dhan $2000 oo dollar ayaa guddigu uu gudoon siiyay qoyskiiba 36 ruux oo ka socday ehalada dadkii ku dhintay weerarkii...


















