Wednesday, August 12, 2026
Saacadihii hore ee saakay, duulimaadyadii ka imanayay Muqdisho kuna wajahnaa magaalada Baydhabo ayaa hakad ku yimid, iyadoo dadweyne aad u badan oo ku socday Baydhabo ay ku xayirmeen garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde. Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim, ayaa tallaabadan ku sifeeyay mid lagu ihaanaynayo shacabka Koonfur Galbeed....
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo Taliyaha Lugta ee ciidanka xoogga Dayax Cabdi Cabduulle ayaa ka shiray sidii Al-shabaab looga xureyn lahaa inta u dhaxeysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad. Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka...
Xoghayaha urur goboleedka IGAD, Mudane Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Muqdisho si uu wadatashiyo heerkiisu sareeyo ula yeesho dowladda federaalka Soomaaliya. War saxaafadeed kasoo baxay booqashada xoghayaha IGAD ayaa lagu sheegay, in booqashadan ay hoosta ka xariiqayso sida ay IGAD uga go’an tahay xoojinta iskaashiga...
 Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta Muqdisho kusoo dhoweeyay xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu, oo horey u ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Itoobiya. Kulanka ayaa ahaa mid kusoo beegmay waqti xasaasi ah, iyadoo Wasiir Fiqi uu kala hadlay Workneh Gebeyehu arrimo muhiim...
Shirweynaha 68-aad ee Hay’adda Atoomikada Adduunka ee IAEA oo lagu qabtay magaalada Vienna, ayay Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqotay Xubinnimada Hay’addaan. Hay’adda ayaa la ballaariyay liiska waddamada ku jira, iyadoo laga dhigay 178 dal oo xubno ka ah. IAEA, ayaa loo aasaasay in ay dhiirigeliso isticmaalka nabdoon ee tamarta...
Waxaa Maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi sare oo ka socda Ururka goboleedka IGAD oo uu hoggaaminaayo Xoghayaha fulinta IGAD Dr. Workneh Gebeyeh. Wafdigaan waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Fedaraalka. Wafdi ayaa...
Puntland ayaa sheegtay in amniga garoonka diyaaradaha Boosaaso uu yahay mid sugan, iyadoo ay si toos ah uga soo dagayaan duulimaadyada gudaha iyo dibadda. Hadalkaan ayaa kusoo beegmay dhowr maalmood kaddib markii garoonka uu xirmay diginin ka timid ciidanka PSF. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Duulista Puntland, shirkadaha...
Maamulka  Somaliland ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya iyo Jabuuti oo kali ahi ay kasoo horjeedaan is-afgaradka ay la saxeexatay Itoobiya. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Wasiirka Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dowladaha Urur Goboleedka IGAD anay kasoo horjeedsan heshiiska marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti. "Heshiiska innaga iyo Itoobiya,...
Taliyaha guutada labaad ee ciidanka Daraawiishta maamulka Jubbaland Maxamuud Cabdi Fanax ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo saakay ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose. Taliye Fanax ayaa sheegay in dagaalka saakay ka dhacay Janaay Cabdalla iney ku jabiyeen xubnahii Al-shabaab ee...
Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Midowga Afrika, Nebiyu Tedla, ayaa ka  hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo ku aaddanaa in Soomaaliya ay taageerayso Xooggaga Mucaaradka Itoobiya. Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ayuu Nebiyu ku tilmaamay hadalka wasiir Fiqi...