Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in dalkiisu uu doonayo inuu si gaar ah ula hadlo Soomaaliya iyo Itoobiya ka hor intaan la gaarin wada-hadalada soo socda.
Ujeedada ayaa ah in la dhegaysto mowqifkooda ku aaddan heshiiska Addis Ababa ee ay la saxiixatay Somaliland.
Fidan, oo la hadlayay...
Wararka ka imaanaya xadka ay wadagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, gaar ahaan dhanka degmada Jalalaqsi ayaa sheegaya in halkaas uu dib uga qarxay dagaal beeleed khasaare geystay.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo sababay...
Xildhibaano katirsan golaha shacabka Soomaaliya oo kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay hay’adda nabad sugidda ee NISA inay ka hor istaagtay inay u safraan magaalada Baydhabo oo ah deegaan doorashadooda.
Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo kamid ah xildhibaanada sheegay in loo diiday inay Baydhabo u safarto ayaa tiri,...
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya danjire Yuusuf Garaad ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay tallaabo ka qaado agaasimaha gaadiidka iyo duulista Soomaaliya, oo Dhawaan saxaafadda kasii daayay hadal gef ku ah shacabka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Madaxda Qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadda ayaa Hadalkan ku tilmaamey Mid Gef ku...
Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta oo Arbaco ah go'aan rasmi ah ka gaartay kiiska dacwada dilka loo haystay Sayid Cali Macalin Daa'uud oo ku eedeysnaa inuu dilay xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis oo Uur laheyd.
Maxkamadda sare ayaa maanta fadhigii ugu dambeeyay ka yeelatay kiiska Sayid Cali...
Xiriirka kubadda Cagta Afrika ee CAF ayaa ku dhawaaqday in garsooraha Soomaaliyeed Cumar Abdulkadir Artan uu noqon doono garsooraha afaraad ee kulanka Super Cup-ka oo ay wada ciyaarayaan Al Ahly iyo Zamalek. Ciyaartan oo la qaban doono Sebtembar 27-da ayaa ka dhici doonta garoonka Kingdom Arena ee Sacuudi Carabiya,...
Wararka ka imaanaya Magaalada Wardheer ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahayd lagu dhex dilay masaajid ku yaal magaalada Wardheer lix dhalinyaro ah oo Xer ka ahayd Masaajidkaas.
Sida Wararku nagu soo gaadhayaan dhalinyartan ayaa lagu dhex dilay Masaajid ay wax ka baranayeen, iyadoo dilkaasna ay gaysteen...
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in la soo xiray Mr. Ertugrul Karafiyeli, oo ah Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha ee shirkadda Favori, isla markaana ah muwaadin u dhashay dalka Turkiga.
Mr. Karafiyeli ayaa lagu eedeeyay anshax xumo, handadaad, xadgudub, iyo tagrifal awoodeed oo uu ku sameeyay...
Turkiga ayaa qorsheynaya inuu maraakiib dagaal u daabulo biyaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan markab cilmi baaris ah oo dhanka tamarta ah, sida ay Middle East Eye u sheegeen laba ilo-wareed oo arrintan la socda.
Sida ku cad heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya horraantii sanadkan, Ankara waxaa loo...
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo Sheegtay in aysan waxba iska Badelin Duulimaadyada Baydhabo.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid duulimaadyada maalinlaha ah ee magaalada Baydhabo.
Qoraal kooban oo kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in si joogto ah ay u soconayaan duulimaadyada, inkastoo aysan sheegin sababta keentay hakadka saacadaha qaatay ee...


















