Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali oo maanta Booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa soo gabagabeeyay Booqashadii oo qaadatay muddo afar saacadood ah oo uu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si loo xoojiyo xiriirka labada Dowladood.
Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa diiradda...
Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhow si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdigiisa uga tagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana wafdiga Abiy Axmed...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo kooxda Al-shabaab aroornimadii hore ee saakay ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarka ayaa ahaa mid ku bilaawday qaraxyo xoogan oo kooxdu ku beegsatay fariisimaha ciidanka dowladda ee ku yaala duuleedka degmadaas, waxaana xigay dagaal toos ah oo u...
Faahfaahino dheeraad ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo dhowr jiho ah oo saakay ay ku qaadeen Dagaalamaayaasha Al-Shabaab degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe oo 30KM u jirta magaalada Muqdisho.
Wararka ayaana sheegaya In Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu dagaal culus uu ku dhexmaray gudaha Degmada Balcad sida dadka deegaanka...
Madaxa Xukuumadda Midnimada Qaran, Cabdul Xamiid Dabaiba, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiis iskaashi oo dhex maray dowladaha hoose ee Tripoli iyo Muqdisho.
Sida ku cad heshiiska labada dhinac waxay kala saxeexdeen heshiisyo kale oo badan, oo ay ku jirto in Dowladda Libya...
Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal culus oo aroorninadii hore ee saakay ku dhexmaray nawaaxiga deegaanka Beera yabaal ee gobolka Hiiraan ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo kooxda Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar kula jarmaadeen fariisimo ciidamada huwanta ah ku...
Koox burcad badeed Soomaali ah ayaa la sheegay in ay sii daayeen dooni kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen oo ay ku qabteen xeebaha Geeska Afrika agaar ahaan degaanada Puntland, waxaana ay gacanta ku haayeen muddo shan maalmood ah, sida ay sheegeen howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Burcad...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab barqanimadii maanta ay ku qaadeen tuulada Cadaan laxeey oo hoostagta deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa lasoo wariyay in weerarka ay ku beegsadeen fariismo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin tuulada, waxaana halkaas labada...
Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayay ayaa xalay si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya.
Socdaalka madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku tageen magaalada Tripoli ayaa ah mid la xariirta booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya...
Duqaymo xoogan ayaa ka dhacay Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubadda Dhexe kuwaasoo lala beegsaday saraakiil ay ku jiraan kuwa ajaanib ah iyo dagaalamayaal katirsan kooxda Al shabaab, waxaana sidoo kale duqeymahaasi lagu burburiyay xaruun shabaabka ay qaraxyo waa weyn ay ku diyaarinayeen.
Waxaana ka mid ah deegaanada ay duqeymaha ka...


















