Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa Jimcihii wafdi uu hoggaaminayo ku tagay magaalada Asmara halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Eritrea Isaias Afeworki. waxaana lagu soo dhoweeyay guriga martida ee Denden, iyagoo xooga saaray inay ka doodaan arrimaha ku saabsan amaanka iyo xasiloonida Gobolka Geeska Africa.
Yemane Gebremeskel, Wasiirka...
Nin Soomaali ah oo ku nool magaalada Minneapolis oo lagu eedeeyay inuu muujiyay taageero weerarkii gaari xamuul ee ka dhacay New Orleans, kaasoo ay ku dhinteen 14 qof, ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu ku biiro kooxda Daacish, sida ay ku dhawaaqeen dacwad-oogayaasha Maraykanka.
Abdisataar Ahmed Hassan, 22 jir,...
Qoraal kasoo baxay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa loogu sheegay cid kasta oo ay khusayso buuxinta kuraasta ka bannaanaatay golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya in Guddigu ku wargelinayo daneeyayaasha in la qabanayo doorashada labada kursi ee degaan doorashadoodu tahay Dawlad-Gobleedka Galmudug.
Labadaan Kursi ayaa horey waxaa uu baneeyay...
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa markii ugu horeysay si qoto dheer uga hadlay waxa keenay khilaafka adag ee kala dhexaaya dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo halkuu kasoo bilaawday.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkii golaha wadatashiga qaranka sababaha uu uga baxay ay aheyd mudo kororsigii lagu sameysanaayey...
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiat Getachew, ayaa sheegay in booqashada Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee Muqdisho ay tahay “tusmeyn cad oo muujinaya hagaajinta xiriirka labada dal iyo bilowga bog cusub oo xiriirka labada dal ah,” waa Booqashadiisi ugu horeeysay ee Abiy Axmed uu ku yimaado Soomaaliya tan iyo...
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in uusan wax kalsooni ah ku qabin guddiga doorashooyinka heer qaran ee ay magacowday dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay in guddiga laga soo xulay suuqa Bakaaraha.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa caddeeyay in sababta uu uga baxay Golaha Wadatashiga Qaran ay...
Maxkamadda sare ee Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ugu baaqday dhammaan wadamada islaamka inay maanta oo Jumca ah ay raadiyaan bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Bayaan ay Maxkamadda ay soo saartay ayaa waxa ay shaaca uga qaaday in maanta oo taariikhda Hijriga ay ku beegan yahay 29ka Bisha Shacbaan loo baahan...
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in xog ay heleen dowlad shisheeye ay daaha ka rogtay in deegaanka Daasaan, oo dhawaan laga saaray kooxda Daacish, uu ahaa xarunta ay kooxda ku qorsheyn jirtay weerarrada argagixisada ee ka dhaca dalalka caalamka.
Madaxweyne Deni ayaa xusay in saddex ka mid ah...
Wasiiru Dowlaha wasaarada arimaha Dibada Soomaaliya Cali Balcad oo Tvga Universal la hadlay ayaa sheegay in aaney marnaba miiska wadahadalada ee Soomaaliya iyo Itoobiya aaney saarneen bad iyo Deked la siinayo Itoobiya midnaba kaliya ay Dowladda Soomaaliya ogoshahay meel ay ganacsigeedi kala soo degto.
Cali Balcad Waxa uu sheegay in...
Wararka ka imaanaya degaanada Gobolka Mudug ayaa kusoo waramaya in Ciidamada Darawiishta Galmudug, xooga dalka iyo kuwa deegaanka ay saakay gudaha u galeen oo ay dagaal kula wareegeen inta badan Magaalada Bacaadweyne ee koofurta Gobolka Mudug.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada ay saakay weerar ballaaran ku qaadeen...


















