Maxkamad ku taalla Degmada Gaarisa ee Kenya ayaa waxaa maanta lasoo taagay 11-qof oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay Kenya ku galeen si sharci-darro ah. Garsooraha maxkamadda, Margaret Wachira ayaa sheegtay in dadka noo isugu jira sagaal rag ah iyo laba dumar ah ay Kenya kusoo galeen sifo...
Weerar iyo Qarax lagu Qaaday Maanta Jaamacad ku taalla Woqooyi-galbeed dalka Pakistan ayaa lagu dilay in ka badan 25-qof, iyadoo 50-ruux in ka bandanna lagu dhaawacay, sida ay sheegeen ilo-wareeydo caafimaad iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda Pakistan.
Jaamacadda Bacha Khan oo ku taalla magaalada Charsadda ayaa waxaa saaka aroortii hore...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Muqdisho Tababbar ugu soo xiray dufcaddii saddexaad iyo qaybtii ugu horreysay ee ciidanka kumaandoosta Somalia ee sida gaarka ah u Tababaran oo Qalin-jabiyay.
Dugsigan ayaa waxaa gacanta ku haya, isla markaana Maal-gelisa Xukuumadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuuna ka mid...
Al-shabaab ayaa toddobaadkan horraantiisii waxay fagaare ku yaalla gobalka Shabeelada Hoose ku dishay labo qof oo ay ku eedeysay inay la shaqeeya ciidamada AMISOM iyo dowladda federaalka.
Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay fagaaraha uu dilku ka dhacay, iyadoo labada qof ee la toogtay oo rag ahaa lagu kala magacaabi...
Booliska Kenya, ayaa gacanta ku dhigay lacag been abuur ah oo lagu qiyaasay 112 Bilyan oo Shilling-ka Kenya ah, taasoo la damacsanaa in si tuuganimo ah loogu ganacsado.
Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Kenya Joseph Boinett, ayaa warbaahinta u soo ban-dhigay lacagtaas oo ku jirtay ilaa siddeed Boorso, wuxuuna sheegay...
Saraakiisha Milatariga Kenya ayaa wada baaritaanno ku aaddan in kooxda la magac-baxday khilaafada Islaamka ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya ay gacan ku lahayd weerarkii Jimcadii lasoo dhaafay lagu qaaday saldhiga ay ciidanka Kenya ee AMISOM ka tirsan ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Al-shabaab ayaa goor...
Wasiirka Difaaca Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Saraakiil sare oo ka socota Midowga Yurub oo Hogaaminayay, Jen. Antonio Maggi oo ah taliyaha Midowga Yurub ee tababarada siiya ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Jen. C/qaadir Diini iyo Saraakiisha Ururka Midowga Yurub ayaa kawada Hadlay...
Magaalada Hargeysa ee ah xarunta Somaliland ayaa waxaa xalay lagu dilay nin la sheegay inuu kasoo jeedo Dawlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya; iyadoo dilkiisa uu Saxaafadda u xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Maxamed Maxamuud Cali. Guddoomiyaha Maroodi-jeex ayaa sheegay in dilka Ninkaan uu dhacay 8:30 habeenimo ee xalay, dilkiisana loo adeegsaday...
Dood-cilmiyeed Nabadda iyo xakamaynta Qabyaaladda ku Saabanayd oo uu soo Qaban-qaabiyey Ururka Dhallinyarada Horseed ayaa lagu Qabtay degmadda Xuddun oo ka tirsan gobolka Sool. Doodan oo loo qabtay culummada, waxgaradka iyo odayaasha degmada Xudun ayaa looga Dooday sida ugu Habboon ee looga wada-shaqeyn karo Amniga guud ee Bulshada ku...
Ciidamada Kenya ayaa billaabay howlgal ay ku baadi-goobayaan askar ku lumay weerarkii Al-shabaab ku qaaday saldhigga AMISOM ee deegaanka Ceel-Cadde Jimcihii lasoo dhaafay. Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa sheegtay in howlgalkan u yahay mid Cirka iyo Dhulka isugu jira oo ay ku raadinayaan ciidamada ka maqan, kuwaasoo ay ku sheegeen...


















