Ismaaciil Cumar Geele m/weynaha dalka Jabuuti oo mucaaradka ku eedeeyey in ay dalka fawdo ku wadaan.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku eedeeyay mucaaradka dalkiisa inay dalka u horseedayaan fowdo, isagoo difaacay go’aanka uu mar afaraad isku sharaxayo hoggaanka dalkiisa.
Geelle oo maanta BBC-da la hadlay ayaa sheegay in mucaaradka dalkiisa inay doonayaan inay ku dhaqmaan sida mucaaradka kale ee dunida, taasoo ah inay kiciyaan...
Wafdiga dowladda Somalia ee ku sugan degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer ku tagay goobihii la dajiyay maleeshiyaadkii dhawaan ku diriray xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.
Wafdiga oo sidoo kale kormeerkooda ku wehlinayay waxgarad iyo odayaal dhaqameed ku howlanaa dhinacooda sidii loo joojin lahaa colaadda labada beelood,...
Qaar kamid ah salaadiinta maamulka Jubbaland oo maanta kulan isugu yimid ayaa si weyn uga soo hor-jeestay hab raaca 4.5-ka oo kamid ah nidaamyada ay Soomaalidu wax ku qaybsato, iyagoo sheegay in nidaamkaasi yahay mid aan xilligaan loo baahnayn.
Wax-garadkaan ayaa sheegay inaan xilligaan loo baahnayn in dib loogu laabto...
Degmada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galguduud ayaa waxaa ka jirta xaalad adag oo dhanka nolosha ah, iyadoo dadkii ku noolaa degmadaas ay weli barakac uga maqan yihiin.
Magaalada Ceel-buur oo 100-km dhanka Bari kaga beegan degmada Dhuuso-mareeb oo ah xarunta gobolka Galguduud ayaa waxaa Al-shabaab lagala wareegay 26-kii Maarso...
Sagaal musharrax oo ku tartamaya sidii ay u noqon lahaayeen qofka Xisbiga Jamhuuriga ee waddanka Mareykanka u meteli lahaa doorashada madaxnimo ee dalkaas ka dhici doonta sannadka soo socda ee 2016-ka; ayaa waxay xalay dhexmartay dood kulul oo diiradda lagu saaray amniga Qaranka.
Dooddan ayaa diiradda lagu saaray baaqii murashax...
Wasiirka Amniga Xukuumadda Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed oo ka mid ah wafdi ka socda dowladda federaalka Somalia iyo maamul-gobolleedka Galmudug oo shalay soo gaaray magaalada Beledweyne, ayaa maanta kulan la yeeshay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.
Wafdiga ka socda DFS ayaa ku guuleystay maanta inay kala qaadaan maleeshiyadii isku...
Shirkii looga Tashanayay Qaabka ay noqon doonto doorashada dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka ayaa goor-dhow lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeedka koobnaa toddoba qodob.
Inkastoo shirkan inuu furmo ay muddo qaadatay, ayaa wax yar kaddib markii uu furmay la soo gunaanaday, waxaana qodobada laga soo saaray ka mid...
Muddo laba sano ah ayaa laga joogaa markii ay ka billowdeen colaadaha sokeeye Koonfurta Suudaan, taasoo ku beegnayd bishii December ee sanadkii 2013-kii. iyadoo hay’adaha samafalku ay walaac xooggan ka muujiyeen xaaladda dalkaas ka taagan.
Hay’daha gargaarka ayaa ka digayaan in cunto-yari aad u daran ay dalkaasi soo wajeheyso, waxayna...
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa sheegay in ciidanka Mareykanka ay sii xoojiyaan duqeynta ay ku hayaan kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ah ee ka dagaalanta Suuriya iyo Ciraaq.
Obama ayaa sheegay inuu qirsan yahay in dagaalka uu adag yahay loona baahan yahay in horumar deg-deg ah laga sameeyo. Wuxuuna hadalkaan...
Wararka laga helayo magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in saakay ay ciidammo ka tirsan kuwa ka socda Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM la wareegeen garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareeb.
Ciidamadan oo wata sideed gaadiidka dagaalka ah ayaa xalay gudaha u galay garoonka oo aan waayadii dambe shaqeynayn, lamana...


















