Friday, August 7, 2026
Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa ka helay maydad hor leh, hub kala duwan, iyo kayd raashin ah saldhig ay Daacish ku sugnayd, halkaas oo uu Mareykanku duqayn ka geystay labo habeen ka hor. Sidoo kale, saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegay inay halkaas ka heleen 32 baasaboor oo caalami ah, kuwaas oo...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Midowga Afrika ka guddoontay gadiidka gaashaaman ee dagaalka iyo agab kale oo ciidan. Safiirka dowladda Soomaaliya ee Itoobiya ahna Ergeyga Joogtada ee Midowga Afrika Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa gaadiidka iyo agabka kale kaga guddoomay magaalada Douala ee dalka Cameroon koox matalaysay Saldhig qaaradeedka Saadka ee...
Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay kordhiso maalgelinta dadaallada xasilinta Soomaaliya. Guddoomiyaha Midowga Afrika  ayaa walaac ka muujiyay yaraanta dhaqaale ee haysta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika (AU) ee Soomaaliya, isaga oo ku baaqay ballanqaad caalami ah oo cusub...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool. Dagaalka ka dhacay deegaanka Abagbeeday ayaa lasoo wariyay inuu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo horumarka dadka iyo dalka, waxaana uu ku baaqay in dagaalkoodi loo midoobo. Ra'iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shaaca ka...
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Cabdikariin Axmed Xasan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in mudo kordhin u sameeyeen waqti diiwaan galinta Ururada dalka oo ku ekeyd 31-ka bishaan Maarso. Guddoomiye Cabdikariin ayaa sheegay in mudo kordhinta ay ku timid codsi uga yimid qaar...
Ciidamada amniga Puntland ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ku xiray weriyaha madax-bannaan oo lagu magacaabo Dalmar Socdaal, kadib markii uu Gaalkacyo dhinaca Galmudug ka qaatay kaarka aqoonsiga qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya, kaasoo horey Puntland u mamnuucday. Wararka la helayo ayaa sheegaya in weriyaha la jir-dilay ka hor inta aan la...
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan Degmada Masaajid Cali Guduud ayaa sheegaya in Al shaabab ay ku qaadeen weerar qaraxyo ku bilowday saldhigyada ciidamadu ay ku leeyihiin Degmadaasi. Wararku waxa ay intaa ku darayaan in labada dhinac ay isku adeegsadeen rasaasta kuwoodi culus iyo kuwa fudud waxaana jira...
Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa xaqiijiyay in Masar ay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan la dagaallanka argagixisada si xassilooni buuxa loogu soo dabaalo Soomaaliya. Waxa uu shaaca ka qaaday Al sisi in Masar ay ka go’an tahay...
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa maanta dheygastay dacwadda   rag ku eedeysan Daacish iyo Shabaab. Eedeysanayaasha oo maxkamadda la hor keenayay ayaa gaarayay 10 eedeysane oo ay 2 kamid ah ajaaniib tahay. Eedeysane kamid ah kuwa maxkamadda lasoo taagay oo sheegay inuu kasoo goostay ururka Alshabaab, ayaa maxkamadda ka...