Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalada ayaa la tilmaamay iney si gaar ah uga dhaceen deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo deegaan kale oo hoostaga degmada Raage Ceele, islamarkaana khasaare...
Kooxda Al-Shabaab ayaa joojisay dhoollatuskii ay ciidan ahaan u sameyn jireen maalinta Ciidda, taasoo ay hore ugu muujin jireen awoodda ciidan iyo hubka ay haystaan. Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in arrintan ay la xiriirto saamaynta duqeymaha isdaba joogga ah ee lala beegsanayo kooxda Alshabaab.
Markii ugu horreysay, deegaanada ay...
Siyaasiyiin hor leh ayaa kusoo biiray dadka sida weyn usoo dhoweenaya gogoshii wadatashiga nabadeed ee uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyagoona ku tilmaamay mid loo baahnaa si dalka daruufaha adag uu marayo looga saaro.
Siyaasiyiinta waxaa qeyb ka ah Ra'iisul wasaarayaashii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiwali...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh inay tahay tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalka.
"Sida aan...
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo gogosha wadatashi ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay, waxaana uu ku tilmaamay tallaabo hore loogu qaaday midnimada Soomaaliya.
"Waxaan rajeynayaa in ay gogoshan ka soo baxdo natiijo dalka iyo dadka faa’iido u leh, Waxaan ugu...
Dowladda Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqday in maalinta Berri ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal ee ciidul Fidriga, kadib markii aragtida bisha la xaqiijiyay, iyadoo dowladaha caalamka sidoo kale looga dhawaaqay in berri ay tahay Ciid.
Culimada Soomaaliyeed iyo wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay in kadib...
Dowladda Maraykanka ayaa maanta duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhan ah Daacish ka geysatay Buuraha Calmiskaad ee gobolka Baro, halkaas oo la sheegay in lagu barbtilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish oo isku urursanayay.
Lama oga khasaaraha ka dhashay duqayntan oo si gaar ah loogu beegsaday farriisin Daacish ay...
Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo ka jawaabay warbixinta ayaa ku macneeyay tallaabo muujinaysa quus ay dowladda Soomaaliya taagan tahay.
"Tani waa isku day quus ah oo...
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay gudbiso dacwad xil ka qaadis ah oo ka dhan ah seddex sarkaal oo sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga.
Xubnahan ayaa ku lug leh sir dhowaan la faafiyay oo ku saabsanayd wadahadal u...
Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa ka helay maydad hor leh, hub kala duwan, iyo kayd raashin ah saldhig ay Daacish ku sugnayd, halkaas oo uu Mareykanku duqayn ka geystay labo habeen ka hor.
Sidoo kale, saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegay inay halkaas ka heleen 32 baasaboor oo caalami ah, kuwaas oo...


















