Friday, August 7, 2026
Shir muhiim ah oo ay isugu yeerayaan wadamada ciidamada ka jooga Soomaaliya ayaa la qorsheeyay 25-ka bishan April. Ujeedada ugu weyn ee kulankaan ayaa ah in la dejiyo istaraatiijiyad looga hortagayo khatarta Al-Shabaab ee Geeska Afrika, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo heli lahaa ciidamo xooggan oo gobolka ah...
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in la dilay Gaashaanle sare Nuur Farey (Taliyihii Guutada 14 ka October) kadib markii uu rasaas xoogan uu kala kulmay ruux xirnaa dareeska ciidamada Dowladda. Taliyaha waxaa uu ku sugnaa degaanka Cadow Dibille oo u dhaxeeyaa Degmada Afgooye iyo Laanta Buure ee...
Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Gen. Michael Langley, ayaa u sheegay guddiga Senate-ka u qaabilsan ciidamada Mareykanka in Mareykanku ballaarin doono howlgallada ka dhanka ah Daacish ee Soomaaliya. “Madaxweynaha iyo xoghayaha gaashaandhigga waxay i siiyeen awood ballaaran oo aan ku beegsado oo aan ku duqeyno si xooggan oo degdeg...
Taliska Booliska Soomaaliya qeybta Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan  Saldhigga Boliiska Degmada Xamar Wayne ay xireen Cabdi Raxmaan Suleymaan Jaamac, oo ah Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Shacabka. Bayaanka Booliska ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Suleeymaan uu yahay qof Eedeysane ah kaas oo ku kacay falal liddi...
Waxaa maanta oo Jimco ah lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ka furmo shir u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka. Shirkaan oo ah mid wadatashi ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxweynayaasha maamulada  Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle, halka madaxweynayaasha Puntland iyo...
Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn uu dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen deegaano dhaca Koonfur Bari Boosaaso ee gobolka Bari. War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu fuliyay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, taasoo dhacday 1-dii...
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya go’aansatay inay dalka ka baxdo Anna Saleem Högberg, oo ahayd Qunsulka iyo madaxa arrimaha gargaarka ee dowladda Sweden, sida aan ka soo xigannay wargeyska Global Bar Magazine. Dowladda Soomaaliya in kastoo si rasmi ah aysan arintaan uga hadal haddana ilo wareedyo...
Mar kale, waxa shalay oo Khamiis ahayd lagu xidhay magaalada Berbera Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo ah shaqsi ka shaqeeya arrimaha samafalka ee Somaliland, inkasta oo aan si cad loo shaacin waxa lagu haysto. Cabdimaalik ayaa 22-kii Maarso ka baxsaday magaalada Burco oo uu deggen yahay, kadib markii uu sheegay...
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Jubaland iyo kumaandooska Danab ay guul weyn ka gaareen howlgal ballaaran oo ay ka fuliyeen waqooyiga Gobolka Jubada hoose, halkaas oo ay bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Al shabaab. Wararka ayaa intaa ku daraya in Howlgalkan, oo si taxaddar leh loo...
Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta shir Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Golaha ee maanta oo Khamiis ah looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Argagexisada gaar ahaan dagaalka lagula jiro Kooxda Al shabaab ah ee ka socda qeybo ka mid ah gobollada dalka. Kulankaan Golaha wasiirada ee...