Shan wariye oo ka Hawl-gala Gobolka Gabiley, ayaa Xalay Ciidamada Liyuu booliska dawlad deegaanka Itoobiya ka qabteen Magaalo Xuduudeeda Tog-wajaale, kuwaasoo markiiba loo dhaadhiciyey magaaladda Jig-jiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya.
Sida Wararka aanu ka helayno Magaalada Wajaale - ayaa la sheegay in Wariyeyaashaan u talaabeen dhinaca xadka Itoobiya...
Shan askari oo biliis ah oo ilaalinaayay bas usoo socday Nairobi ayaa waxaa dilay dabley jidka u gashay gaarigaa baska ah.
Baska oo lagu magacaabo Desert Cruiser ayaa waxaa la sheegay inuu u soo socday Nairobi uuna ka soo baxay magaalada Mandheera ee gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari.
Gaariga ayaa dableydii ku...
Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ee UNHCR ayaa sheegaysa in tirada dadka ku barakacay colaadda caalamka ka oogan ay gaareen heerkii ugu Sarreysay inta la ogyahay Taariikhda Caalamka.
Warbixinta sannadlaha ah ee Hay'adda UNHCR ay ku eegto tirada dadka colaadaha ku barakacay ayaa lagu sheegay in dhamaadkii Sannadkii hore...
Musharaxa ugu cad-cad Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in la joogo xilligii dalkaasi Mareykanka uu si dhab ah uga fikiri lahaa Adeegsiga qaab dad gaar ah lagu bartilmaameedsanayo si loola dagaalamo dambiyada dalkaasi ka dhacaya.
Trump ayaa hadalkan ka jeediyay teleefishinka CBS kaddib markii la weydiyay in...
Dagaalka Yemen ayaa waxaa kasoo qaxay Yemeniyiin badan kuwaasoo usoo cararay dhanka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo Jabuuti.
Yemen iyo Djibouti waxaa un u dhexeeya 30 km oo bad ah gaar ahaan dhanka Bab-el-Mandeb.
Qaxootiga Yemeniyiinta ah ee Jabuuti kunool ayaa waxay in badan oo ka mid ah kunool yihiin...
Tartanka Ciyaaraha Orodka ee loo yaqaanno Midnight Sun Marathon oo ay Sanad kasta marti-geliso Magaalada Tromsø oo ku taalla woqooyiga dalkan Norway ayaa waxaa sanadkaan furay Boqorka Boqortooyada Norway Harald oo ay wehliso Boqoradda Mrs.Sonja waxaana Goob-joog ka ahaa Munaasabada furitaanka ciyaarahan Duqa Magaalada Tromsø - Jarle, Mas'uuliyiin ka...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud - ayaa maanta Xariga ka jarey Terminal cusub oo loo sameeyey Dekedda Caalamiga ah ee Xamar kaasoo loogu talagaley fududeynta adeegga dekedda.
Terminalkaan Cusub oo ah Nooca loo yaqaan “Dry Port” oo ku yaalla Meel ka yara baxsan Dekedda ayaa loo Adeegsan doonaa in la...
Xilli lagu jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan, ayaa Waxaa Magaalada Beledweyne ka socota Gargaarka iyo deeqaha kala duwan ee la soo gaarsiinayo qoysaska dan-yarta ah iyo kuwa aan lixaadkooda dhameyn ee ku dhaqan Beledweyne.
Hadaba dad cuuryaamiin ah ayaa degmada Beledweyne loo qeybiyay Deeq Lacageed oo ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed...
Kulan
maanta ay ku yeesheen magaalada
Beledweyne ee Gobolka Hiiraan
Siyaasiyiin, Waxgarad, Aqoon-yahanno
iyo Odayaal-dhaqameed Waxay uga soo
Hor-jeestay Guddiga Doorashada Qaran
ee Dhawaan Magacaabay Madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamuud.
Xubnaha ayaa shirkooda Jaraa’id ku
xusay in dhamaanba ay qaadacayaan
habka dowladda Federaalka Somalia u
Maamuleyso soo Xulista Xubnaha
Gobolka ku matalaya Aqalka sare iyo
kan Hoose ee lagu hishiiyay shirarkii ugu
danbeeyay madasha-wadda-tashiga
Qaran...
Wasaaradda Amniga Xukuumadda
Somalia, ayaa sheegay in la Fashiliyay
Xalay Mooto Bajaaj laga soo buuxiyay
Walxaha qarxa, lana doonaayay in lagu
Qalqal-geliyo Xasilloonida Caasimadda
Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaarada Amniga C/
kaamil Macallin, ayaa xusay in
Mootadaas uu la socday ruux ka tirsanaa
Xarakada Al-shabaab, taasoo ciidamada
Amniga ay ku joojiyeen Waddada
Warshadaha, Laakiinse uu ka dhego-
adaygay Amarka ciidamada, isagoo ugu
dambeyntiina is-qarxiyay.
Sidoo...


















