Thursday, August 6, 2026
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Baydhabo oo lagu wado inuu maanta ka furmo Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka dalka ka dhacaya bisha Ogoosto ee sannadkan 2016-ka. Waxaa kaloo maanta Baydhabo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ; waxaana lagu wadaa...
Xaalado Cabsiyeed, ayaa Xilligaan waxay ka taagan tahay Degmada Afmadow iyo Dhoobley oo kawada tirsan Gobolka Jubbada Hoose , kaddib markii Boqollaal ka tirsan xoogagga Al-shabaab oo aad u hubeysani ay deegaannadaas ku dhawaadeen. Idaacadda VOA-da ayaa baahisay in ku suggan Afmadow iyo Dhoobley ay u xaqiijiyeeen in ciidanka AMISOM...
Tan iyo shalay ayaa waxaa socday boob lagu hayo dukaamo ay leeyihiin dad ajaaniib ah oo kunool dalkaasi Kooru Afrika oo Soomalidu ay ka mid yihiin. Weerarada boobka ah ayaa ka bilowday siyaasad ay isku hayaan darfo ka tirsan dadka reer Koofur Afrika. Hase ahaatee, markii ay arinkii ay isku hayeen...
Ururka Midowga Afrika, ayaa shaaciyay inuu qorsheynayo in Afrika oo dhan ay yeelato hal baasaboor, sida Midowga Yurub oo kale, si ay bulshooyinka Afrika ay u helaan inay waddamadooda isaga tallaabaan. Hoggaamiyeyaasha Afirka ayaa la filayaa in dhawaan Qorshahan loo soo bandhigo, Waxaana tani ay dadka Afrikaanka ah u ogolaanayso...
C/raxmaan C/shakuur, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweyne ee tartanka doorasho ee sannadkan 2016-ka. isagoo uga dhawaaqay xaflad uu soo qabanqaabiyey Xisbiga Wadajir oo ay kasoo qayb-galeen siyaasiyiin, aqoon-yahanno, dhallin-yaro, haween, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah madaxda xisbiyada oo lagu qabtay...
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Maraykanka, ayaa diiday qorsheyaal lagu xoojin lahaa xakamaynta hubka ay shacabka dalkaas isticmaalaan. Tallaabadan ayaa waxay ka mid ahayd in la hor-istaago in hub laga iibiyo dadka ku jira liiska kooxaha Argagixisada looga shakisan yahay. Aqalka sare ayaa la hor-keenay qorshe ka kooban afar qodob, kaddib markii...
Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay. Shariif Xasan iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Baydhabo kusoo dhaweeyay Ciidamada Maamulkiisa iyo Qaybaha Shacabka, Waxaana ay kusoo Aadaysaa imaashahiisa Baydhabo iyadoo uu magaaladaas ka furmi doono...
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa ka bilaabay Magaalada Beledweyne iyo Deegaannada hoostaga howlgalo ammniga lagu xaqiijinayo. Tiro badan ciidammada ka tirsan ayaa lagu arkayay saacadihii hore ee maanta qaar ka mid ah xaafaddaha magaalada, kuwaa meelaha qaar ka sameynayay baaritaanno ammniga lagu sugayo. Siddoo kale,...
Waxaa maanta xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ka laabtay tirada ugu badnayd ee qaxooti Soomaaliyeed. Qaxootigaas oo gaaraya ilaa 542 qofood ayaa waxay ku kala laabandoonaan degmooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Luuq. Qaar ka mid ah qaxootigaas ayaa markay gaaran degmooyinkaas waxay uga see gudbayaan tulooyin hoos tago degmooyinkaas oo ay horan...
Ciidamada ammaanka ee dowladda soomaaliya ayaa goor sii horeysay Magaalada Muqdisho ku xiray saddex nin, oo laba ka midda ay ka tirsan yihiin Ciidanka Militariga Somaliya gaar ahaan guutadda labaad , ka dib markii lagu eedeeyay in ay dhac u gaysteen dad ku nool qeyb ahaan degmooyinka magaaladda muqdisho. Afhayeenka...