Jabhada Al-nusra oo ka mid ah jabhadaha ka dagaalama Suuriya ayaa shaacisay inay xiriirka u jartay Alqaacida.
Alqaacida oo ah jabhadii uu hoggaamin jiray Cusaama bin Laden ayay xiriir lahaayeen Al-nusra. Al-nusra ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay magaceeda u badashay Jahat Fatax Al-shaam oo la macno ah jabhada...
Wasiirada Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ee dawlada federaalka ah ee Soomaaliya, Sahra Maxamed Cali Samantar ayaa olole ka wada gudaha Puntland.
Ololehaa ayaa waxay ku dooneysaa inay ku dhiirigaliso dadka dalka qeybihiisa kala duwan ugu horeyna Puntland sidii dumarku ay u heli lahaayeen 30% kuraasta baarlamaanka ee dawlada xigta.
Kadib...
-Hillary Clinton ayaa weerar afka ah mar kale ku qaaday murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.
Hillary ayaa sheegtay in Donald Trump fikaradihiisu ay aad u khaldan yihiin isla markaana aanan lagu hoggaamin karin shacabka Mareykanka. Waxay kaloo sheegtay in marka fikradihiisa loo eego xisbi uu ka tirsan yahay uusanba jirin.
Hillary...
Maamulka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, Gaar ahaan guddoomiyaha degmada Maxamed Cismaan Cabdi Qalaafoow iyo ku xigeenkiisa dhinaca Maaliyadda, Muuse Cabdi Daahiye ayaa waxaa xiligan ka dhax jiran khilaaf xoogan oo markii ugu horeysay dibada u soo shaac-baxay.
Xubno ka tirsan maamulka degmada ayaa HOL u sheegay in labadan mas'uul...
Hay’adaha u dooda Insaaniyadda ee dalka Canada ayaa walaac xoogan ka muujiyay geerida Cabduraxman Cabdi oo 37- sano jir ahaa ,iyadoo ay isa- soo tarayaan shakiga laga muujinayo sida ay booliska Canada ugu lug yeelan karaan geeridiisa.
Marxuumkan ayaa la sheegay in xubno ka tirsan booliska ay si xun u...
Waxaa Gelinkii dambe ee shalay Xarunta Jaamacadda Banaadir ee Muqdisho lagu qabtay Tababbar lagu baranayay Nafaqada (Nutrion) iyo Dhibaatooyinka ay leedahay nafaqo darada (Malnutrion), kaasoo ay soo abaabuleen maamulka kuliyadda culuunta Caafimaadka ee Jaamacadan.
Tababarkan ayaa waxaa loo qabtay boqolaal arday oo isugu jira kuwa wax ka barta kuliyadda Culuunta...
Rag hubeysnaa oo la tuhmay inay ka tirsan yihiin xarakada Al-Shabaab ayaa xalay burburiyay bir dheer oo anteeno isgaarsiineed ahayd deegaanka Lafey ee degmada Mandheera.
Wararku waxay intaa ku darayaan in dableydaasi halka ay ku burburiyeen anteenadaa ay tahay magaalada Fino oo hoos timaada deegaanka Lafey ee degmadaasi Mandheera ee...
Dawlada Turkiga ayaa sii wada xiritaanka qeybo ka tirsan warbaahinta dalkaa iyo macaahiida sida gaarka ah loo leeyahay.
Arinkaa ayaa waxaa ka dambeeya afgambigii dhicisoobay ee bishaan bartamaheedii ka dhacay dalkaa Turkiga ee lagu damacsanaa in lagu rido dawlada Erdogan. Haatan ayaa waxaa wali socota kala shaandheynta macaahiida sama doonka...
Taliyihii hore ee Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Gobolka Banaadir, Jen. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa si Rasmi ah loogu Magacaabay Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska RW Somalia, ayaa Jen. Maxamed Aadan Koofir loogu Magacaabay xilkan, kaddib markii dhawaan Madaxweyne, Xasan Sheekh uu u Magacaabay Jen. C/llaahi...
QM gaar ahaan heyada qaxootiga u qaabilsan ee UNHCR ayaa codsatay lacago dheeraad ah oo lagu kaabo qarashka lagu celinaayo qaxootiga Dhadhaab.
Hayada qaxootiga waa UNHCR ayaa maanta ka codsatay deeqbixiyeyaasha caalamka $115.4m oo dheeraad ah oo lagu kaabayo lacagaha loogu tala galay celinta qaxootiga Dhadhaab. War murtiyeed maanta ka...


















