Thursday, August 6, 2026
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, Saddex ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii xalay saqdii dhexe lagu garaacay madaafiic Xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay. Madaafiicdan oo hoobiyeyaal ahaa, ayaa waxay intooda badan ku dhaceen Xaafadda Wadajir oo ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, iyadoo tiro...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu magaalada Addis Ababa kaga soo Qayb-galay Shir-madaxeedkii waddamada xubnaha ka ah ururka IGAD, isagoo sheegay in shirka Madaxeedka IGAD lagu qaban doono Muqdisho. Xasan Sheekh ayaa sheegay in Go'aannadii Kulankaas kasoo baxay ay ka mid...
Shirka Madasha ayaa Muqdisho weli uga socda Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamul-goboleedyada Somalia, iyadoo la rajeynayo in berri uu soo xirmo. Illaa hadda waxaa horumar laga gaaray Arrimaha la xiriira dadajinta arrimaha Doorashada lagu wado inay Sannadkan dalka ka dhacdo, sida meel-marinta Miisaaniyada Doorashada, hannaanka mataaladda Aqalka Sare ee...
Xisbiga haya talada Waddanka Koonfur afrika ANC, ayaa qirtay in looga adkaaday Doorashooyinkii Dowladaha Hoose ee ka dhacay magaalada Port Elizabeth, iyagoo ay lumiyeen Codadka Tageerayaal xoogan uu xisbiga ku lahaa 22-kii sannadood ee ugu dambeeyay balse hoggaanka xisbiga waxay sheegeen inay isha ku hayaan natiijooyinka ugu dambeyn soo...
Shirka wada-tashiga doorashooyinka dalka ayaa wali socda, iyadoo aanay wax natiijo ah kasoo bixin, waxaana wararku ay sheegayaan in maanta aanay madaxda shirin oo ay nasanayaan, waxaana la isku soo laaban doonaa berri oo Sabti ah. Qodobada aadka la isugu hayo ayaa waxaa ka mid ah; in doorashada dib loo...
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo uu uga Qayb-galayo Shir-madaxeedka Urur-goboleedka IGAD. Kulanka madaxeedka IGAD, ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimaha Waddanka Koonfurta Suudaan iyo Doorashooyinka ka dhacaya Soomaalia Sannadkaan lagu jiro daba-yaaqadiisa. Amniga Waddooyinka Muqdisho ayaa...
Waxaa weli ka socda Muqdisho Shirka Madasha Wada-tashiga oo saddexdii bishaan ka furmay madaxtooyada Somalia, kaasoo la filayay in xalay lasoo gaba-gabeeyo. Hoggaamiyaasha Madasha Qaranka ee Muqdisho ku Shirsan, ayaa weli ka doodaya Waqtiga Rasmiga ah ee ee la qabanayo doorashada Soomaaliya ee Sannadkan 2016-ka dhacaysa. Dhanka kale, Warar kala duwan...
Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa mar kale ka hadlay Arrimaha Islaamka iyo Qoxootiga Mareykanka ku nool oo ay Soomaalidu ka mid tahay ku tilmaamay kuwo khatar ku ah ammaanka guud ee Mareykanka. Trump ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Portland, Maine oo uu dad badan kula hadlayay. Isagoo...
Maanta ayaa la filayaa in Muqdisho uu ka furmo shirka madasha wada-tashiga Qaranka, taasoo isugu imaanayaan dhammaan hoggaamiyyaasha Soomaalida, waxaana go'aan looga gaarayaa xilliga ay dhacayso doorashada madaxnimo ee sannadkan 2016-ka. Shirkaan, ayaa waxay madaxdu uga doodayaan qodobbo dhawr ah, iyadoo la filayo inay go'aan ka gaaraan xilliga doorashadu dhacayso,...
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhaxe Tobias Ellwood ,kaasi oo u yimid Somaliya sidii uu ula kulmi lahaa madaxda dalka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka guddoomay Wasiirka dhambaal uga yimid Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ingariiska ,waxaana...