Danjiraha Cusub ee Somalia ee Tanzania, Maxamed Xasan Cabdi iyo ku xigeenkiisa, ahna Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Tanzania, C/qaadir Maxamuud Yuusuf, ayaa dhawaan kulan ka qaatay madaxweynaha waddanka Tanzania, John Pombe Magufuli, wuxuuna ka guddoomay Warqadihii aqoonsiga danjirenimo.
Madaxweynaha Dalka Tanzania iyo Danjiraha cusub ee Somalia ee dalkaas ayaa kulankooda...
Al-shabaab ayaa warbaahinta taageerta ka baahisay wareysi uu bixiyay ninkii fuliyay weerarkii is-miidamainta ahaa ee Hoteel SYL oo ku dhaw madaxtooyada lagu qaaday maalin ka hor, kaasoo sababay tiro aad u badan oo dhimasho iyo dhaawacyo ah.
Ruuxan fuyay weerarka ayaa lagu magacaabi jiray, Jaabir Cabdullaahi Diiriye, sidoo kalena waxaa...
Tababarkaan oo qabashadiisa ay iska kaashanayaan Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan iyo urur lagu magacaabo Sufis oo fadhigiisu yahay dalka Sweden, ayaa noqonaya mid sare loogu qaadayo aqoonta dhalinyarrada gobolka Hiiraan.
Waxaa ka Qeyb-qaadanaya illaa 50 Dhallinyaro ah oo laga soo xulay degmooyinka gobolka HIiraan, kuwaa oo la filayo in marka...
Ku dhawaad 1200 oo qof oo kasoo laabtay xerooyinka qaxootiga dalka Kenya ee Dhadhaab ayaa ku xayiran deegaanka Dhoobleey, ayadoo dadkani ay yihiin kuwo intooda badan ku wajahnaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Jubaland Max’ed Warsame Darwiish ayaa dhawaan shaaciyay in ay joojiyeen qaabilaadda qaxootiga...
Dagaalo ayaa ka dhacay Gobolka Sanaag shalay ilaa xalay sida dad deegaan ah ay u sheegeen warbaahinta.
Dad dagaan ah ayaa warbaahinta usheegay in dagaal u dhexeeyay labo beelood oo wada daga deegaan 60km u jira Ceel Afweyn ay ku dhinteen ilaa 3 qof. 10 qof oo kale ayaa xiisadahaa...
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan gaar ah magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulankaan dhexmaray labada Madaxweyne ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee u dheexeeya dawladda Jabuuti iyo Puntland iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, ganacsiga dhismaha...
Wazaaradda amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in milkiilayaasha hoteelada ay mas’uuliyad isak saaraan sugidda amniga shacabka iyo dadka kale ee degaya hoteladooda.
Wasiirka amniga dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamad ayaa sheegay in horay milkiilayaasha hoteelada ay u sheegeen in ay sameystaan ciidamo suga amnigooda, isla markaana...
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee Puntland-Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey liiska magacyada shaqsiyaad lagu sheegay in ay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay magaalaada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu war geliyey dhamman hay’adaha amniga Puntland in ay soo qab-qabtaan shaqsiyaadkaasi, isla markaan hor keenaan sharciga...
Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horraysay war kasoo saartay qaadashada Kaarka aqoonsiga oo ay soo rogtay dowladda Federaalka.
Sida uu sheegay Sheekh Cali Dheere Xarakada Al Shabaab ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda uga digtay qaadashada Kaarka aqoonsiga.
Xarakada ay sheegtay in ay beegsan doonto meel walba oo...
Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa Cabdulqaadir Muumin ku dartay liiska argagixisada sida gaarka ah loo callaamadeeyey, ee amarka madaxweyne ee tirsigiisu yahay 13224, kaasi oo cunaqabateyn kusoo roga shaqsiyaadka iyo kooxaha la go’aamiyey inay halis ku yihiin Mareykanka.
Cabdulqaadir Muumin ayaa madax ka ah koox ku xiran Daacish oo Soomaaliya...


















