In ka badan kala barka 6 malyan oo carruur qaxooti ah ayaan heysan fursad ay wax uga bartaan iskoolo.
Carruurtaa ayaa waxaa QM sheegtay in ay jiraan da'dii iskoolada ay wax uga baran lahaayeen balse aysan fursado waxbarasho oo rasmi ah heysan. Sanad walba waxaa sidoo kale kusoo darsama 600,...
Inta la Xaqiijiyay illaa Toddobo Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Somalia ayaa ku Dhaawacmay iska hor-imaad ku dhaxmaray dulleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Saraakiil ka tirsan ciidammada dowladda ayaa WARSOM u sheegay in ciidanka iska horimaadka dhaxmaray kala shakiyeen, taasoo keentay in is rasaaseyn dhaxmarto.
Ciidamada iska horimaadka uu...
Warbixin uu soo saaray Baanka Adduunka ayaa lagu xusay in dadka wadamadooda dhibaatooyinku ka jiraan ay culeys kuyihiin dalalka hodanka ah.
Warbixinta ayaa sheegtay in culeys ay ku hayaan arimaha ijtimaaciga ah ee dalalka marti galiya. Warbixinta ayaa lasoo saaray shalay Khamiistii.
Ilaa 65 milyan oo qof ayaa dunida iminka ku barakacsan...
Dacwad oogeyaasha maxkamada caalamiga ah ee ICC ayaa sheegay inay diirada aad u saari doonaan dacwadaha la xiriira deegaanka ama biiada iyo dulalka sida sharci darrada ah lagu qaato.
Haweeneyda ugu sareysa dacwad soo oogeyaasha ICC Fatou Bensouda ayaa sheegtay inay aad diirada usaarayaan iminka dacwadaha ka dhanka ah burburinta...
Dawlada Kenya ayaa iska fogeysay eedo loo soo jeediyay oo sheegaya inay qasab kuceliso qaxootiga Dhadhaab hadba qaar.
Eedahaa ayaa waxaa soo jeedisay shalay hayada xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch (HRW). HRW ayaa warbixin ay shalay soo saartay eedahaa ugu soo jeedisay dawlada Kenya iyo weliba hayada qaxootiga ee...
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hoggaaminayo, ayaa gaaray maanta Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe, isagoo furay Shirka lagu dhisayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe oo uu Jah-wareer soo food-saaray muddooyinkii dambe.
Shirka dhismaha maamulka Gobolladan ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda...
Bannaan-bax weyn oo looga hor-jeedo ganacsatada Wareejiyayaa Alaabaha bedel-bedel-ka loo yaqaanno ee u dhahay Itoobiya ayaa Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ka dhacay maanta, kaddib markii ay Shacabku sheegeen inay aad ugu so badanayaan deegaannada Puntland.
Mudaaharaadayaashaan, ayaa isugu soo Xoomay Barxadda Garoowe, iyagoo Wata Hal-ku-dhigyo ay ku diidayaan Wareejiyaasha...
Ergeyga IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey ayaa asaga iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Mudane Jamaal Maxamed Xassan waxay shir jaraaid ku wada qabteen Safaarada Soomaaliya ee Nairobi maanta galinkii hore.
Shirkaa jaraaid oo ay ka soo qeyb galeen bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee Nairobi ku sugan ee qeybaha...
Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay halkaa isaga bexeen ciidammada dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.
Shacabka ku sugan Deegaanka Moqorkori ayaa warsom u sheegay in ay arkayeen gadiidka gaashaaman ee Ciidanka Itoobiya oo kasii baxaya...
Saddex dumar ah oo Soomaali ah ayaa maxkamad kutaal Mombasa oo ah caasimada labaad ee Kenya waxaa ay amartay in caafimaadkooda dhimirka iyo maqalka la baaro kadib markii caafimaadkooda laga shakiyay.
3daa dumarka ah oo Mombasa laga soo qabtay ayaa maxkamadu ku wareertay inay fahamto maadaama labadood maqalku ku yaryahay...


















